Su’aal aan jawaabteeda waayey: Barkhad-ladiif

0
Su’aal aan jawaabteeda waayey: Barkhad-ladiif

Su’aal aan jawaabteeda waayey: Barkhad-ladiif
Waxa layidhi dhaqaalihii wadanka waa la qufulay oo waliba quful weyn oo 9by9 baa lagu xidhay, waxa la yidhi dadkan qaylinaya waa dadkii ku mamay qaataye qaado , waxa la yidhi umadda loo handaarabay dhaqaalahoogii, intaaba waan qaatay waa wax wanaagsan hadii umaddii lahayd loo hayey ee dadkii koobnaa laga handaraabay, maxaase loo galiyey umadda mise way u oolaysa taasina waa mid meesha ku jirta.

Hadana, waxa la yidhi si dhaqaaluhu u noqdo mid wax wayn lagu qabto, numbarkii gaadiidka iyo buugtoodaba hore loo cashuuray ha la bedelo oo numbaro cusub oo mar labaad gaadiidka laga iibinayo ha lagu bedelo, waxaana bedelka numbarka cusub laga dhigay 115 dollar, baabuurtii cusba waa la kordhiyey cashuurtii haddii awal ahayd 1300 dollar imika waa 2200 dollar, haamihii shiidaalka ee dadka kooban loo siiyey waxa loo soo wareejiyey gacanta dawladda oo dakhli fiican uga soo xaroonaysa (Illaa 950,000$ ), amnigii madaarka iyo Paarkiin lacagta ahayd waxa loo soo wareejiyey dawlada oo dakhli fiican uga soo baxayso, liisamadiii, waraaqii cashuurta gaadiidka waxaas oo dhana gacanta dawlada lagu soo wareejiyey oo iyana dakhli fiican baa dawlada uga soo xaroonayso, hadaba su’aashu waxay tahay waxaas oo dhakhli ah ee cusub iyo dhaqaalihi badnaa ee bixi jirey ee la joojiyey markay ururtay maxaa muuqda ee lagu qabtay, dhaqaalihii la cunayey dadkaanu u qabanay oo waxaas baanu ugu qabanay waa gar, laakiin ilaa hadda ma arkayo wax lagu qabtay, bal iiga jawaaba wax la taaban karo ee lagu qabtay, haddii aanay jirin dee sidii hore ha lagu celiyo taasaaba dadka soo gaadhi jirtay qofkii wax la siiyaa suuquu dib ugu celin jiray.

Talabaad, xukuumaddii hore iyadoo waxaas oo dhaqaale ah iska xanibtay oo shirkaddo dad gaar ah leeyihiin siisay oo aanay dhaqaale ka heleen ayaa hadan wax uun la cuni jirey oo dhaqaaluhu sidan dhaamay, bal halkay dhaqaalaha la cuni jirey iyo kii dalka lagu waddi jirey uga soo gali jirey iyana waa su’aal taagan.

(dhaqaalaha ummada loo handaraabay+dhaqaalaha ay kala soo wareegtay shirkadihii hore loo siiyey sida haamaha shiidaalka,liisamadda, shirkadii amniga madaarka,shirkadii Parkinka madaarka= marka la isku gayso maxa dadka loogu qabto dakhligii ka soo baxay, waa su’aal taagan.

Su’aalahaasi waa su’aalo mar walba aan is waydiiyo oo igu soo noqnoqda cidi igu dhaanta ama xog igu dhaanta haysa bal ha nala wadaagto.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.