Sports- Man-United oo la wareegtay Ciyaaryahan Depay iyo Warar Goos Goos ah

0
  • Ciyaaraha (Sayruuq Sports) Kooxda Manchester United ayaa ku guulaystay inay heshiis qiimihiisu ku kacay 25 Million kula soo wareegtay ciyaaryahanka Depay oo u dhashay dalkaasi Holand,
    21 Jirkan u ayaa weerarka ugu ciyaari jiray kooxda Psv ee horyaalka Holand goolal badana ka dhaliyey Xilli Ciyaareedkan 2014-2015.
  • Gool-hayaha Kooxda ChelseaFc ee bilaa Booska ah ee kooxda niyad jabka ku qaba ee Peter Cech ayaa waxa uu kooxda ugu hanjabay inuu ka tagi doono kooxda oo uu waliba ku biiri doono kooxaha Liverpool ama Arsenal,
  • Ciyaaryahanka Kooxda Liverpool uga ciyaara dhanka Difaaca ee Jose Enrique ayaa sheegay in Tababaraha ugu wanaagsan Aduunku uu yahay Jose Mourinho.
  • Kooxda Arsenal iyo Liverpool oo raba inay la soo wareegaan Ciyaaryahanka dhanka Weerarka ugu ciyaara Kooxda Palermo ee dalkaasi talyaaniga, Ciyaaryahankan oo u dhashay dalkaasi Argentina ayaa waxa uu tartan ugu jira sidoo kale kooxda dalkaasi Talyaaniga ee Intermilan waynu se eegi halka uu ku dambeeyo Ciyaaryahankaasi marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyga bisha June.
  • Edinson Cavani waa weeraryahanka kooxda PSG ayaa walaalkii oo la yidhaah Luiz ayaa sheegay in uu ku biiri doono Kooxda Juventus oo aanuu marnaba ku biiri doonin kooxda Manchester United.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.