SPORTS: Kulan Xiiso Iyo Xamaasad Badan Leh Oo Dhex Mari Doona Arsenal Vs Manchester United, Iyo Line Upka Labada Kooxoodba

0

London(Sayruuq)-Manchester United aya u saferysa kooxda Arsenal iyagoo raadinaya guushodii shanaad oo xiriir ah tartamada oo dhan sidoo kalena niyada ku haya iney xajistan hogaanka horyalka premier league, halka Gunners ay u dagaalameyso iney kasoo kabasato guuldarii ka soo gaartay kooxda Olympiakos eek a tisranaa tartanka Champions League talaadadii markaasoo lagu garaacay Emirates.

 

Si kastaba kooxdaan macalin Wenger ayaa kulankoodii ugu danbeeyay ee horyaalka Premier League kooxda Leicester ku soo xasuuqday garoonkooda King Power Stadium, iyadoo Alexis Sanchez uu sadexley dhaliyay xili ay 5-2 kusoo adkaadeen.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Man United

Tartanka: Premier League 

Garoonka: Emirates Stadium

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA CUSUB?

Arsenal ayaa weyn doonta adeega Laurent Koscielny oo dhaawac muruqa ah qaba, weeraryahan Olivier Giroud oo ganaax ku seegay kulankii Champions League ee Olympiakos ayaa soo laaban doona kulankaan, halka Mathieu Flamini (muruq) iyo Mikel Arteta (lug) Jack Wilshere (seed), Danny Welbeck iyo Tomas Rosicky (jilibka) ay dhamaan seegayaan kulankaan.

Dhanka United, Michael Carrick ayaa u safri doona Emirates Stadium kadib markii uu seegay kulankii Champions League ee Wolfsburg sidoo kale Ander Herrera ayaa isna diyaar u ah kulankaan.

XAQIIQADA KULANKAAN:

Arsenal ayaa kaliya hal guul ka gaartay 13 kulan oo Premier League oo ay la ciyaartay Manchester United (4barbaro iyo iyo 8 guuldaro).

Manchester United ay afarti kulan ee u danbeysay ee ay booqato Arsenal wax guuldaro ah aysan la kulmin, waligood shan kulan oo xiriir ah oo ay booqdeen Emirates guuldaro la’aan ma aysan noqon.

Arsenal ayaa boqolkiiba 24 guuldarooyin kala kulantay Manchester United waana kooxda guuldarooyinka ugu badan ay ka tabaneyso horyaalka Premier League.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay 11 gool kadib 25 kulan oo Premier League uu ka horyimid Arsenal, kooxaha kalia goolal intaasi ka badan uu ka dhaliyay waa Newcastle (12) and Aston Villa (13).

Rooney wuxuu ka dhaliyay Arsenal goolkiisi ugu horeeyay ee abid Premier League (Oct 2002), sidoo kale goolkiis ugu horeeyay ee Premier League ee uu u dhaliyo Man Utd (Oct 2004) iyo waliba goolkiisi 100aad ee Premier League (Jan 2010).

Theo Walcott ayaa dhaliyay 12 gool 13kii kulan ee Premier League ee uu ugu soo bilowday Gunners.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal:

Cech, Bellerin, Mertesacker, Gabriel, Monreal, Coquelin, Cazorla, Ramsey, Ozil, Sanchez, Walcott

Man United:

De Gea, Valencia, Smalling, Blind, Darmian, Schneiderlin, Carrick, Mata, Rooney, Memphis, Martial

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.