“Soomaaliya Waxay Ka Degi La Dahay Waa Puntland” Faysal Cali Waraabe

0

Hargeysa(Sayruuq)-Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo maanta todabaxiisa olalaha doorashada ku qaatay Hargaysa  ayaa sheegay in Soomaaliya waxay ka degi la dahay tahay maamulka Puntland.

Faysal oo maanta hadal ka jeedinayey fagaare beerta xoriyadda ee ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Puntland ay qasto siyaasadda Soomaaliya, haddii aanay iyada ahaan lahaynna ay Soomaalida nabad ahaan lahaayeen.

“Walaalayaal Soomaaliya waxay la degi la dahay waa Puntland, qoladan oo aanu jaarnahay wuxuu baarlamaankooda shalay yiri doorasho kama dhici doonto Sool iyo Sanaag, bal eegga walaalayaal dhibaatada ay wadaan, waxaa ka degi la Soomaaliya, waxay maalin walbo ka shaqeeyaan dhibta Soomaaliya” ayuu yiri Waraabe.

Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii xisbigiisa uu ku guuleysto doorashada 13-ka bishan in uu keeni doono gooni isku taagga Somaliland ,somalia-na ku heshiisan doona Hargeysa .

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shalay isku raacay in doorasho aanay ka dhici gobollada muranka uu ka jiro ee Sool iyo Sanaag.

Hargeysa-Somaliland

contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.