Soomaalilaand maxay ka heli kartaa janjeedhsiga Soomaaliya?

0
Soomaalilaand maxay ka heli kartaa janjeedhsiga Soomaaliya?
Soomaalilaand maxay ka heli kartaa janjeedhsiga Soomaaliya?
Waxaa jira siyaasado la halabuuro iyo kuwo nasiibku ku gu sooro. Sidoo kale waxaa jirta siyaasad taxliilinteeda aqoon iyo xogogaalnimo la gu soo dhiraardhiriyo iyo mid banyaal is ka ah oo qof waliba garan karo. Ta aynnu halkan ka ga hadlaynno ayaa nooca dambe ah.
Masar iyo ururka Jaamacadda Carabta ee ay iyadu gadhwadeenka ka tahay waa cidda kowaad dunida ee aan aqbali karin gooni isu taagga Soomaalilaand. Taasi ka ma aha xumaan ee maslaxaddooda qoomiyadeed baa ku jirta Soomaaliya midaysan oo iyaga Geeska Afrika u joogta, is la markaa leh qaddar xoog ah oo Itoobbiya cabsi geliya. Maxamed Ibraahin Cigaal sannadkii 2000 wax uu yidhi: “Masar wax ay doonaysaa Soomaalidu in ay weligeed ahaato xoorkii la ga fadhiisan waayay Geeska Afrika.” Halkaa Geeska Afrika wax uu u la jeedaa Itoobbiya, oo ah yoolka Masar.
Soomaalidu dawladnimada ka hor ayay la caaddifadootay qaddiyadaha Carabta kuna milantay. Kacaankii Masar iyo baaqii Jamaal Cabdinaasir, halgankii xoraynta Yaman, Falastiin, Aljeeriya, dagaalkii Yuhuudda iyo Carabta, dagaalkii Ciraaq iyo Eeraan, kacdoonka Wahaabiga, intaba Soomaalidu waa ay dhex yaacday, dawlad ahaan iyo shacab ahaanba. Ka mid noqoshada Jaamacadda Carabta iyo la safashada qaddiyadaha Carabta dhab ahaan Soomaalidu wax aad u badan bay ku wayday gaar ahaan amniga iyo xasilloonida dhulkeeda, taas baana qayb ka ahayd burburkii dawladnimada. Bahdilka ay xulafada reer Galbeedku Soomaalida u joogteeyeen sababteeda labaad taas bay ahayd, ta kowaad wax ay ahayd in Soomaalidu kibir badnayd, ta saddexaad in ay reer Bariga raacday, ta afraadna dagaalkii ay Itoobbiya ku qaadday. Dhanka kale Soomaalidu wax ay oggolaatay in la carabeeyo, iyada oo gashay heshiiskii xaaraanta ahaa waxii loo yaqaannay Ololaha Carabaynta Soomaalida (xamlat at-tacriib as-Soomaal). Waxaas oo dhan Soomaalidu waxa ay ku heshay iyo waxa ay ku wayday weli ka ma ay xisaabtamin, waana taa sii wadda.
Haddaba in maamulka Xasan Sheekh sida muuqata dalqada u gu dhacay Masar iyo maslaxadda qoomiyadda Carbeed, wax ay si dabiici ah u xoojinaysaa dantii istiraatijiyadeed ee ka dhexaysay Soomaalilaand iyo Itoobbiya, una sii gudbin kartaa heer kale. Sidoo kale tallaabada Soomaaliya Turkiga ayay dhanka Soomaalilaand u soo duwi kartaa, Turkiga oo ay ka go’an tahay in uu dhulka Soomaalida meel adag ku yeesho.
Turkiga oo Berbera yimaadda waxa qudha ee carqaladayn karaa waa dabinkii Imaaraadka/DP World ee Soomaalilaand sida ka fiirsi la’aanta ah u gu dhacday ee dekeddaa gacanta u gelisay. Reer Soomaalilaand maanta wax ay is ku wada raacsan yihiin Berbera Imaaraadku in ay dhiseen se aanay horumarin dhaqaale ahaan, taas oo ka dhigaysa boos ceshi iyo curyaamin dekedaha Dubaay loo gu danaynayo. Sidee haddaba Soomaalilaand u midayn kartaa soo jiidashada maalgashiga Turkiga, xidhiidhka togan ee Itoobbiya, raalligelinta reer Galbeedka iyo lacagtii Imaaraadka ka gashay Berbera?
U gu horrayn Soomaalilaand iyada oo ka faa’iidaysanaysa isu dhowaansha dawladda Hawidaar iyo Jaamacadda Carabta, waxaa la gudboon in ay ku dhaqanto siyaasad Carabta ka jeedda, kuna jeedda cid wal oo ay iyaga is hayaan: Turki, Eeraan, Gadar, Israa’iil, ay weheliso Itoobbiya oo ah ta u gu muhiimsan. Xaaladahan oo kale siyaasaddu wax ay u baahan tahay dhiirrasho iyo waxoogaa qar is ka tuurnimo ah. Berbera daruuri u ma aha saldhig millateri oo Turkiga la siiyo, waxaana loo gu beddeli karaa in uu dhisto Lughaya, Seylac iyo Maydh tii uu doono. Muhimaddu waa in Turkiga Soomaalilaand la ga siiyo beddel uu ka ga maarmo Soomaaliyada ku kufriday ee ka abaaldhacday.
Qalinkii Ibraahim Hawd

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.