Somaliland:Xoghayaha Golaha Wakiiladu Goorma Ayuu Isu Bedalay Afhayeenka WADDANI?

0

Hargeysa(Sayruuq)-Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa u xuub-siibtay Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI , Waxaanu si fool xun ugu milmay xajiinta siyaasadda. Xoghuhu waxa uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii laga doonayay shaqaalaha dawladda (Civil Servants).

Xoghayaha Wakiiladdu waxa uu ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga WADDANI isagoo xisbigaasi u galay inuu ku raali-geliyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), xisbigaasi ka dibna waxa uu noqday qasnajiga mus-dambeedka WADDANI, waxa uu guddoomiyaha ka gacan siiyay in qeybo ka mid ah miisaaniyadda Golaha loogu tagri-falo hanaan sharciga ka baxsan oo xisbiga WADDANI loogu adeegayo.

Xildhibaanno badan iyo Guddoomiye Ku xigeenada Golaha Wakiiladda, ayaa sarkaalkan siyaasadda galay u arkay inaanu isku wadi Karin siyaasadda iyo xilka waajibaadka balaadhan leh ee Xoghayaha Golaha Wakiiladda oo markii horeba aanu ku iman sifo aqoontiisa loogu xishay.

Iyadoo mudadaas dheer laga war-qabay in Xoghayaha Wakiiladdu uu xubin fir-fircoon ka yahay xisbiga WADDANI, ayuu haddana ku darsaday inuu isu bedalo af-hayeenka dadban ee xisbigaasi, waxaanu xarunta Goleyaasha ku qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay ee uu ku difaacayo Guddoomiyaha WADDANI, isagoo food-saaro ka dhiganaya in C/Raxmaan Cirro uu yahay Guddoomiyaha Wakiiladda.

Waxa uu beeniyay war warbaahinta dalka qaar ka mid ahi ay baahiyeen oo la xidhiidhay in warqad Hoggaamiyaha WADDANI u diray dawladda Finland oo uu kaga dalbaday inay ugu tabo-rucaan dhaqaale uu ku galo doorashadda madaxtimadda Somaliland, si uu mustaqbalka Somaliland ugu hogaamiyo inay noqoto maamul goboleed ka mid ah dawladda Fedaraalka Soomaaliya. Arrintaasi oo rayul-caamka bulshadu u arkeen khiyaamo qaran oo uu Siyaasigaasi ku mijo xaabinayo iraadada iyo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
“Warqad kasta oo ka soo baxda Xafiiska Guddoomiyaha waxay leedahay taariikh iyo tixraac, waxaannu ugu tallo-galnay tixraacaa iyo taariikhdaa Computer laguma qoro ee gacantaa lagu qoraa oo marka Guddoomiyuhu saxeexo ayaa tixraaca la geliyaa iyadda oo qalin ku qoran, ujeedadeeduna waxa weeyaan in aan marnaba la helin gaab banaan waana sir qaran oo uu leeyahay goluhu,”Ayuu yidhi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo isku dayay inuu Guddoomiye Cirro kaga guntado fal-celinta taban iyo saamaynta madow ee bulshadu ka bixisay qorsheyaasha gurracan ee uu doonayo inuu ku gaadho mansabka madaxtinimadda dalka.

Mr. Ayaanle waxa uu intaas ku kabay “Warqaddan foojariga ah ma laha Tixraacii Golaha Wakiilada, warqadanina ma laha wax tixraac ah oo Golaha Wakiiladu leeyahay oo warqad uu Cabdiraxmaan leeyahay maaha ee Golaha ayaa leh.”

Dad badan oo siyaasadda faaqida ayaa aaminsan in masuulkaasi aanu ahayn kii ku habboonaa inuu ka jawaabo warqadaasi jiritaankeeda oo marka waaqica la eego aanu beenin Karin, rumayna Karin. Waxa dadka sidaas ku doodayay ay qabeen in hadalkiisu u dhadhamayay mid is muujin ah oo uu ku cadeynayo kaadirnimadiisa xisbiga WADDANI.
Fiqradaha Koowaad iyo Saddexaad ee Qoddobka 52-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku cad xilka iyo waajibaadka Xoghayaha Guud. Waxase uu Mr. Ayaanle uu galay hawlo siyaasadeed oo aanu jidayn dastuurka dalku.

Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladduna waxa xilka iyo waajibaadka Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda bayaamiyay qodobbada 23-aad iyo 24-aad oo u dhigan sidan:-


(Qodobka 23’aad)
Xoghaynta Golaha

Goluhu wuxuu yeelanayaa Xoghayn ka kaalmaysa Shirgudoonka hawlaha xafiiska,
arrimaha maaliyada iyo shirarka.
1. Xoghayntu waxa ay ka kooban tahay, Xoghayaha Guud iyo ku-xigeenkiisa,
agaasime waaxeedyo inta loo baahdo, iyo shaqaalaha kale ee Golaha.
2. Iyadoo qodobka 52’aad ee Datuurka sidiisa loogu dhaqmayo Xog-hayaha Guud
ayaa soo jeedinaaya dalac siinta, darajo hoos u dhiga, kala bedelka iyo shaqo ka
joojinta shaqaalaha Golaha waxaana go’aan ka gaadhaya shir-guddoonka, wixii
rafcaan ah ee la xidhiidha. Cabashada shaqaalaha waxay u gudbinayaan guddida
joogtada ah oo awood u leh dib-u-eegista cabashada shaqaalaha.
3. Xoghaynta Goluhu waxay ku hawl galayaan una cuskanayaa gudashada
xilkooda tilmaamaha (Directives) iyo awaamirta Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa.
4. Xoghaynta waxa waajib ku ah in xubin ama xubno ka tirsani ay ka qayb galaan
shirkasta oo u qabsooma Golaha Wakiilada, si ay u diiwaangeliyaan doodaha,
isweydiinaha, go’aamada Goluhu gaadho, iyo hadal qoraalka (Minutes). Anjende
kasta oo doodiisu dhammaatay waa in qoraal ahaan ama maqal iyo muuqaal ahaan
loogu kaydiyaa Xusuus dhawrka (Archives) Golaha, mudanayaashuna helaan
nuqulo hadal-qoraalka ah, iyadoo ay la socdaan magacyada ka qaybgalay dooda.
Way dhici kartaa fadhiyada ay albaabadu u xidhan yihiin inaan hadal qoraal laga
reebin.
5. Xoghaynta Golaha waxa xil ka saaran yahay xafidaada hantida Golaha,
dhukumantiyada iyo qoraalada la xidhiidha Golaha, isla markaana waxaa
masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay inay ilaaliyaan wax allaale wixii Shirgudoonku
u aqoonsado (SIR) ciddii faafisana mutaysato ciqaab sharciyeed.
6. Si loo sugo kala madax-bannaanida waaxaha dawladda, xoghaynta iyo
shaqaalaha kale ee Golaha Wakiiladu, xuquuqdooda iyo waajibaadkooda waxaa
nidaaminaya Xeer No.15 ee
26/2/2000 (Xeerka Shaqaalaha Golaha Wakiilada).

(Qodobka 24’aad)
Xilka Xoghayaha Guud

Xoghayaha Guud waxa uu u xil saaran yahay:-
1. Ogeysiinta mudaneyaasha waqtiyada shirarka Golaha isaga oo qoraal ugu
gudbinaya marka Shir-gudoonku oggolaado.
2. Diiwaangelinta codsiyada mudaneyaasha raba inay hadlaan.
3. Hubinta tirada codadka la bixiyay iyo arrimaha kale ee Goluhu go’aan ka
gaadhay
4. Akhrinta qoraalada la soo jeediyay marka shir-gudoonku ogolaado sida
xaadirinta mudaneyaasha iyo hubinta inaan wax laga bedelin hadal qoraalka
(minutes).
5. Hubinta in go’aamada Goluhu soo saaray ay si sax ah u diiwaangalaan ugana
saxeexo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
6. Xoghayntu waxay u xil saran tahay gudashada shaqadii kale ee shir-gudoonku
u igmado.
7. Marka Xoghayaha Guud maqan yahay waxa xilkiisa sii haynaya ku-xigeenkiisa.”

Is-barbar dhiga Labada Xoghaye

Haddii aynu is-barar dhigno Xoghayeyaasha Goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladda. Xoghayaha Guud ee aqalka Odayaasha Cabdilaahi Ibraahim Habbane oo ah masuul gaadiiday oo xirfad leh ah isla markaanna mansabkaasi hayay muddo labaatan sannadood ku dhow, waligii ma uu qaban shir jaraa’id, khalad iyo sax midnaba. Walina laguma tirin inuu xisbi siyaasadda kaalin ku leeyahay. Waxa uu ku kooban yahay uun shaqadda cayiman ee xeer-hoosaadka Goluhu u jideeyay. Isagoo ah nin waayo arrag ah oo aqoontiisa ugu tabarucay aqalka sare ee baarlamaanka. Waxaana laga garanayaa maamul wanaagooda marka aad booqato labadooda xafiis.

Marka qodobadaas sharciga ah la dhugto miyuu xilka Xoghayaha guud ee wakiiladdu noqonayaa mid siyaasad meelna ka soo gala,haddaba miyaan la gaadhin xiligii la anshax marin lahaa xoghayahaas si cakis ah u gudanaya shaqadii uu qaranka u hayay.

XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.