Somaliland:Marwada Koowaad Oo Qalab Caafimaad Gaadhsiisay Cusbitaalka Guud Ee Boorama

0

Boorama(Sayruuq): Marwasda koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-wasris), ayaa saaka caawimo caafimaad gaadhsiisay cusbitaalka guud ee magaaladda Boorama, deeqdaasi oo ahayd agab caafimaad isla markaana lagaga qayb qaadanayo ka hor tagga dhimashadda Hooyayada iyo dhalaanka.

Deeqdan oo ay bixinteedda iska kaashadadeen mashruuca qaramadda midoobay u qaabilsan umul-raaca hooyadda iyo dhimashadda dhalaanka iyo sidoo kale hay’adda UNFPA ayaa ah mid loogu talo galay in lagaga hawl galo qaybaha hooyada iyo dhalaanka isla markaana loogu shaqeeyo hooyooyinka xaamilooyinka ah.

Qalabkaasi caafimaad oo ay marwadda koowaad ku wareejisay, waxay ku tilmaantay in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh bad-baadinta iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

Munaasibad loo sameeyay qalabkaasi caafimaad ee ay marwadda koowaad ku wareejinaysay cubsitaalka guud ee Boorama oo lagu qabtay xarunta cusbitaalka ayaa waxa ka soo qayb galay badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (ramaax), Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi, xubno ka socday golaha degaanka Boorama, masuuliyiinta cusbitaalka iyo marti sharaf kale.
agabkaMarwadda koowaad2

Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-Weris), oo hadal ka jeedisay munaasibadii ay ku wareejinaysay qalabkaasi caafimaad ayaa uga mahad naqday maamulka iyo bulshadda gobolka Awdal sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. Waxaanay ka warantay faa’iidadda uu qalabkani caafimaad u leeyahay daryeelka hooyadda iyo dhalaanka iyo noocyadda oo isugu jirro.

“Aad iyo aad ayaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen madax iyo dadweyneba, ee aad guud ahaanba gobolka Awdal noogu soo dhawayseen maanta (shalay). Alaabtan caafimaad ee aan halkan ku wareejinayaa, marka aad indhaha ku qabataan waa wax aad u yar oo aan badnay, laakiin waa qalab wax weyn ka taraya baahida caafimaad ee ilmaha iyo hooyada.

Waxaana ka mid ah qalabka ilmaha yar ee dhasha lagu xidho, ee Og-sajiinta ah marka uu dhasho isagoo naqasku hayo, oo aan helayn ogsajiin. Waxaa kale oo ku jira qalab kale oo caafimaad oo hooyadu marka ay foolanayso loogu shaqeeyo. Waxaa kale oo ku jira dawooyin hooyada iyo dhalaankuba ay leeyihiin. Waxaanan leeyahay iyagoo tiro yar ayay wax wayn tarayaan ”ayay tidhi marwo Aamina-weris.

Marwo Aamina-wersi, ayaa mahad naq balaadhan u jeedisay hay’adda UNFPA oo ay sheegtay in ay mar walba gacan ka geysato daryeelka iyo sidii loo bad-baadin lahaa ama loo yarayn lahaa umul-raaca hooyadda. Waxaanay tidhi “Waxaa kale oo aan u mahad naqayaa hay’adda UNFPA oo gacan mar walba ka gaysata bad-baadada hooyada uurka leh iyo sidii loo yarayn lahaa geerida umul aroorka ah.”

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi, oo isna halkaasi hadla ka jeediyay ayaa sheegay in qalabkaasi uu yahay mid ay baahi weyn u qabeen, isla markaana gacan ka geysanaya daryeelka Hooyada iyo dhalaanka.

Waxaanu Dr. Hadi intaa ku daray in Marwada koowaad ay mar walba ka war hayso oo ay ku xidhantay cisbitaalka guud iyo dhamaanba goobaha kale ee caafimaadka gobolka Awdal gaar ahaan qaybaha Hooyada iyo dhalaanka, isagoo tilmaamay in ay joogto ula socoto waxba ugu tarto.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa isna dhankiisa uga mahad naqay deeqda caafimaad ee ay marwo Aamina-Waris soo gaadhsiiyay cusbitaalka guud ee Boorama. Waxaanu intaa ku daray in ay tahay deeqdani mid ka mid ah hawlaha gacan siinta gobolka Awdal oo ay ka helaan Marwada koowaad oo uu sheegay in ay ku garab taagan tahay horumarka iyo waxtarka gobolka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.