Somaliland:Furriinka oo Haweenka Soomaaliyeed ku Qasba inay Carruurtooda u Shaqeeyaan

0

Furriinka ayaa ku qasba inay shaqeeyaan hooyooyin badan oo Soomaaliyeed oo carruur haysta, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ay banneeyeen ragga. Xog-ururin uu sameeyay Raadiyo Ergo ayaa muujineysa in dumarka ugu badan ee shaqeynaya ay yihiin kuwo la furay oo taageero dhaqaale aan ka helin aabbeyaasha carruurtooda. Xog-ururintaas ayaa lagu wareystay 165 dumar ah oo shaqeeya oo ku nool 11 magaalo oo Soomaaliya ah.

Dumarkaas oo la waydiiyay sababta ku kalliftay inay shaqeeyaan, waxay 64 ka tirsan sheegeen inay raggooda kala tageen, isla markaasna aysan haysan il-dhaqaale oo kale. Horay waxay ugu tiirsanaayeen raggooda oo kala-taggooda kaddib gabay waajibkii ka saarnaa carruurta.

“Ninkeyga wuxuu 8 sano ka hor igu furay toddobo carruur ah oo ay mid gabar tahay,” ayay tidhi hooyo Muxubbo Maxamed oo 38 jir ah. Ninkeeda oo markii ugu dambeysay ahaa wade gaadhi wuxuu ka maqnaa labo sano inta uusan furin ka hor. Muxubbo oo ku nool magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer way shaqeysaa si ay u quudiso, waxbarashana ay ugu hesho carruurteeda oo kan ugu yar uu toban jir yahay.

Ma ahan ganacsato, mana leh dukaan ama xarun kale oo ay u shaqo tagto.  Sidaas oo ay tahay, shaqadeedu waxay billaabataa labada saqda-dhexe habeen walba, dadka magaalada Buuhoodle oo weli hurda. Dab u aasnaa ayay dhuxulo ku biirisaa, kaddib way babbisaa ilaa ay dhuxushu guduudato oo ay noqoto mid cunto karin karta. Bir canjeero uu gabow iyo madow isugu darsamay ayay burjikada dul-saartaa. Shaqo-maalmeedkeeda waa in canjeero ay gurigeeda ku dubto aroor walba ay u qeybiso maqaayadaha magaalada oo quraac ahaan u iibiya.

“Maalin walba waxaan dubaa shan kiilo oo bur ah oo aan ka sameeyo canjeero. Waxay shaqadaas dubista igu qaadataa lix saacadood iyo bar oo xiriir ah maalin kasta. Kaddib waxaan u qeybiyaa saddex maqaayadood oo magaalada ku yaalla si ay macaamiishooda uga iibiyaan. Lacagta aan ka helo waxaan ku maareeyaa nolosha guud ee qoyska sida; waxbarshada, caafimaadka iyo kirada guriga,” ayay tidhi Muxubbo.

Maalinta wanaagsan waxay heshaa So.Sh 100,000 oo u dhiganta $5. Maalmaha qaarse kama hesho xitaa $1, waayo canjeeradii ay maqaayadda geysay oo sideeda u tuban ayay ugu tagtaa galabkii. Marka ay sidaas dhacdo, waxaa laga yaabaa in qoyskeedu uusan wax cunin labo xilli maalintii. Ma jiro qof kale oo u shaqeeya reerkan oo wiilkooda weyn uu yahay 16 jir dhigta dugsiga sare. Shaqada noocaas ah ee aan joogtada aheyn waxay ka bixisaa kirada gurigeeda oo ka kooban labo qol oo cariish ah oo ay ku deggan tahay So.Sh 750,000 oo u dhiganta $34. Waxay sidoo kale bixisaa So.Sh 1.7M ($75) oo ah lacagta ay dugsi Qur’aanka iyo iskuullada ku dhigtaan carruurteeda oo dhammaan waxbarta. Muxubbo Maxamed waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in nolosha qoyskeeda ay maanta ka wanaagsan tahay xilligii ay ku tiirseyn ninka furay.

“Aniga ayaa go’aan ku gaaray in aan u shaqeeyo carruurta, maaddaama aabbahood uu dayacay. Waxaan rabaa in aysan ka harin carruurta asaaggooda ah ee waxbarta,” ayay tidhi Muxubbo.

Jamaaluddiin Cabdirashiid Cawke waa tababare arrimaha qoyska ah oo ka shaqeeya xarunta lagu barto hoggaaminta ee Aflax oo ku taalla magaalada Boosaaso. Jamaaluddiin oo sidoo kale agaasime ka ah xarunta wuxuu burburka ku yimaada qoysaska la xariirinayaa daruufaha dhaqaale ee dalka ka jira, kuwaas oo uu aaminsan yahay inay soo dedejiyaan khilaafka aabbaha iyo hooyada.

Abshiro Saalax ninkeeda oo ay u dhashay 3 carruur ah ayay toddobo sano ka hor kala tageen, kaddib markii sida ay sheegtay ay isku khilaafeen dayacaaddiisa mas’uuliyaddii ka saarneyd qoyska. “Khilaafkeennu wuxuu ka billowday lacag yar oo uu soo shaqeeyo ayuu ku qayili jiray iyadoo aan aniga iyo carruurta ka baahannahay,” ayay tidhi. “Markii uu reerka ku filnaan waayay, daryeelna aan ka waynay ayaan kala tagnay.”

Abshiro oo 35 jir ah So.Sh 200,000 ilaa So.Sh 300,000 oo ay maalintii ka hesho shaqada qaad-iibinta ayay sheegtay inay ku maareyso kirada guriga, korontada, biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo nolol-maalmeedka qoyskeeda.

Laakiin, kala-tagga lammaanaha ma ahan sababta keliya ee ay dumar badan u shaqeeyaan. Hase yeeshee, haween badan ayaa ku qasbanaaday inay reerahooda u shaqeeyaan kaddib markii ay raggoodii geeriyoodeen. Haweenka shaqeeeya ee aan la hadalnay afartan iyo labo ka tirsan waxay heystaan carruur agoomo ah. Geerida ragga ku timaadana waa sababta labaad ee haweenka ugu badan ay u shaqeeyaan.

Dahabo Cabdulle Samatar oo ka mid ah haweenkaas waxay dhar ku iibisaa miis yar oo laamiga qarkiisa la dhigay magaalada Cadaado. Waxay heysataa sagaal carruur ah oo aabbahood uu dhintay labo sano ka hor.  Carruurtaasi labo ka tirsan ayaa wax baran jirtay markii uu aabbahood noolaa, balse mid ka mid ah hadda wax ma barto, maaddaama aysan awoodin inay u wada hesho cuntadooda iyo lacagta dugsiyada. Midka waxbarta waxaa iskuul ku yaalla Muqdisho ka bixiya adeerkiis.

Iskuullada magaalada Cadaado wuxuu ardaygiiba ku dhigtaa shan doollar. Dahabo maaddaama aanay carruurteeda oo dhan u awoodin inay iskuulka gayso waxay bilo ka hor fasalka koowaad ee dugsiga hoose ku dartay labada ugu yaryar carruurteeda.

“Seygayga markii uu noolaa guriga ayaan joogi jiray oo carruurta ayaan cunnada u karin jiray, balse mar haddii uu dhintay yaan sugayaa? Waa in aan carruurta noloshooda raadiyaa, haddii kale way dayacmayaan,” ayay Dahabo u sheegtay Raadiyo Ergo.

Haweenka aan su’aalaha waydiinnay 33 ka tirsan waxay sheegeen in raggooda ay joogaan balse aanay wax biil ah siinin, waana sababta saddexaad ee ay dumar badan u shaqeeyaan. Halka sababta afaraad ee xog-ururinta aan ku ogaannay ay tahay in ragga ay qoysaska siiyaan lacag aan ku filneyn, 22 ka tirsan haweenka aan la hadalnay waxay u shaqeeyaan si ay wax ugu daraan biilka yar ee uu ninku soo shaqeeyo.

Magaalooyinka uu Raadiyo Ergo xog-ururintan ka sameeyay waxay kala yihiin; Muqdisho, Boosaaso, Baydhabo, Kismaayo, Garoowe, Hargeysa, Buuhoodle, Afgooye, Baardheere, Cadaado iyo Jowhar.  Marka loo eego dumarka shaqeeya ee aan la hadalnay, waxaa aad u yar tirada lammaanaha wada jooga ee isla koriya carruurta.

Laakiin Jamaaluddiin Cawke wuxuu korinta carruurta ee hooyada oo keliya u arkaa inay tahay masiibo bulshada halis ku ah. wuxuu aaminsan yahay carruurta ay hooyada oo keliya koriso inay u nugul yihiin ficillo amni-darro iyo tahriib, waayo hooyadu ma wada awooddo inay ilmaha u shaqo tagto, haddana ay ka warqabto oo ay tarbiyeyso.

“Aabbaha ayaa marka ay xaaskiisa kala tagaan wuxuu go’aansanayaa in uu ka fogaado xaaska ay kala tageen sidaas ayuu carruurtiina ku dayacayaa. Laakiin mararka qaar waxaa dhacda in uu ninku xujo uga dhigo xaaska ay kala tagayaan in haddii ay carruurta haysanayso uusan ku biili doonin, taasina waa midda ugu badan ee keenta in hooyooyin badan ay kaligood u shaqeeyaan carruurta.”

Jamaaluddiin wuxuu xal u arkaa in la sameeyo xarumo lagu tababaro dhallinyarada isguursanaya oo lagu baro daryeelka qoyska, waajibaadka iyo kaalinta uu qof kasta ku leeyahay qoyska iyo sida ay u xallin karaan khilaafkooda. Wuxuu kaloo ku taliyay in warbaahinta laga sameeyo barnaamijyo arrimaha qoyska ah oo wacyigelin ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.