SOMALILAND: Xukuumadda Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Ciidamo U RuqaansadayDhinaca Xuduudka Gobolka Xaysimo

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ahna ku simaha wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay ciidamo la geeyay deeganka Godaale ee gobolka Xaysimo, waxaanu sheegay in lagu sugayo amaanka goobo laga wado sahamin shidaal waxaanu yidhi “ciidanku markii horena waa joogay iminkana ciidamo siyaado ah ayaa ku ruqaansaday gobolkaa”.

IMG_031D13-20028B-327375-7C6D2B-06E327-9024B7

Waxa kale oo uu wasiir ku-xigeenku ka hadlay diyaaradaha sahaminta ka wada goobahaasi oo uu sheegay in hada wax shidaal ah oo la qodayaa aanu jirin balse tani ay tahay sahamin guud waxaanu yidhi “Tanina waa sahamin guud maha batrool iminka la soo saarayo”

 

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.