Somaliland: Xeer Saxaafadda Lagaga Mamnuucayo Baahinta Qabyaaladda

0

Hargeysa (Sayruuq)- Baarlamanka Somaliland, ayaa samaynaya xeer mamnuucaya in warbaahinta kala duwan ee dalku isticmaasho ama baahiso magacyada beelaha iyo wax kastoo qabyaalad ah.

saxaafada iyo qabyaalada

Sidaana waxa isla gartay Guddiga Ilaalinta iyo Dabogalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada iyo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta oo kulan ku yeeshay xarunta Baarlamanka shalay.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiillada Md. Maxamed Cali Xirsi, ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyey ay saxaafadda Somaliland ku sii badanayso baahinta wararka iyo barmaamijyada qabyaaladda ah oo loo baahan yahay in arrintaa la joojiyo, “Waxa xusid mudan in aannu isla qaadanay Wasaaradda Warfaafinta in maanta warbaahinteena ku badan tahay annagoo reer hebal ah ama waxayaabaha qabyaaladda ah, annaga ka gudi ahaan iyo wasaaraddu waxa aannu isla qaadanay sidii aannu u soo saari lahayn xeer xakamaynaya arrintaa in aan qabyaaladda lagaga dhaqmin saxaafadda in aannu si wadajira u soo wada saari lahayn,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.

Dhinaca kale, Xildhibaanku waxa uu ka hadlay kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta oo ka koobnaa wasiirka, wasiir-ku-xigeenka, agaasimaha iyo agaasimo-waaxeedyada wasaaraddaasi, kaas oo uu xusay inay wax kaga waydiiyeen hawlaha shaqo ee ay ummadda u hayaan.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isna warbaahinta la hadlay, ayaa ka hadlay sababaha ay dhawr jeer oo hore uga baaqdeen guddigan, “Waxa jiray kulamo hore oo naga baaqday annaga iyo guddida oo aannu is ogayn, mar waxa ay ahayd maalintii Madaxweyne-ku-xigeenku dalka ku soo laabanayey, maalina howlaha qaranka uun baanu wadnay, manay jirin sabab kale, maantana wasaaradda oo isku dhan ayaa u timi Guddida,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.