Somaliland: “Weftigii Masar Waxay Sheegeen Inay Tageen Gobol Soomaaliya Kamid Ah, Aad Baan Uga Xumahay In Ereyadaas La Isticmaalo”.Wasiirka Arrimaha Debadda

0

Xukuumadda Oo Aan Wali Cadayn Go’aanka Ay Qaadanayso Xidhiidhka Ay La Leedahay Masar Ka Dib Quudhsigii Ay Kula Kacday Qaranimada Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa markii ugu horasay si cad uga hadashay mawqifkeeda ku aadan hadal ka soo yeedhay dawladda Masar oo hoos u dhigtay qaddiyadda iyo qaranimada Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo arrinkani ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland aad uga xuntahay habdhaqanka ay muujisay wasaaradda Khaarajiga ee Masar waxaana uu sheegay inuu waftigii masaarida ahaa ee Somaliland yimi dawladda ogolaansho ka haystay balse jawaabta ay bixiyeen markii ay dalkoodii ku noqdeen aaanay ahayn mid Somaliland u qalanta.

Wasiir Sacad Cali Shire oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Runtii aad baanu uga xunahay ereyada loo isticmaalay halkaasi waayo erayada ku qorani waxay tilmaamayaan in waftigu uu gobol Somalia ka mid ah uu yimi, inay Hargeysa tahay magaalo madax gobol, inuu Madaxwaynuhu yahay madaxwayne gobol, aniga oo wasiirul khaarajiga ah oo la kulmayna mabay soo hadal qaadin . Markaa xaqiiqda Somaliland way ka wayntahay wax xaqiiqdeeda erayo lagu qariyo , Madaxwaynuhu waa madaxwayne qaran Somaliland-na waa dal taariikh wayn leh taariikhdiisu may bilaabin 26 June oo xor ahaan jiray iminka ay dadkiisu go’aansadeen inay xornimadoodii dib ula soo noqdaan cid kasta oo halkan timaadaana ogolaansho ayay ku timaadaa ee iskama timaado”.

Inkastoo aanay xukuumadda Somaliland jawaab geesinimo leh ka bixin warkan ka soo yeedhay dawladda Masar ayaa hadana inay garwaaqsatay khaladka ah inay ogolaansho siiso ay tahay guul siyaasi ah, waxaase shacab waynaha Somaliland ka filayaan inay mmawqif cad ka qaadato xidhiidhka ay Masar la leedahay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.