Somaliland & Somalia Oo Isku Khilaafsan Bilawga Wada Hadalka

0
Somaliland iyo Somalia Oo Kulamo Ku Leh Nairobi

Somaliland & Somalia Oo Isku Khilaafsan Bilawga Wada Hadalka

Dawladda Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay muddo bil ah dib u dhigtay wada hadallada ay kula jirtay Soomaaliya, marka bishaasi dhammaatana ay qiimayn doonto in la gaadhi jawi lagu wada hadli karo laakiin, madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in ay dhawaan wada hadalka bilaabayaan inkasta oo aanu wakhti cayimin.

Wada hadallada ayaa la filayay in ay dhammaadka bishan Maarij ka furmaan waddanka Jabuuti halkaasna ay ku kulmaan madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo kadibna laga sii amba qaado waddanka Switzerland ee carriga Yurub oo wixii dambe lagu qabanayo kadib markii laga soo wareejiyay Waddanka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta saxaafadda ugu sheegay Hargeysa in wada hadallada ay dib u riixeen muddo bil ah maaddaama xiisadda taaggan aan lagu wada hadli Karin

“Waxaan dhawaan bilaabi doonaa wada-hadalka aan la leenahay Somaliland dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin wixii khilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonnaa miiska wada hadalka  “Wada hadallada in aynu Somalia la galno waa kii baarlamaanku ansixiyay kamanaynu noqon laakiin, wakhtigan xaadirka duruuftii saamaxaysay in la wada hadla ma jirto, marka bil baanu dib u dhignay wada hadalladii, marka bishu dhammaatana waynu eegayna duruuftu sida ay tahay in aynu wada hadalladii la bilawno iyo in kale,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo aan raacin cidda ay arrintaasi u gudbiyeen.

Laakiin, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo saacado ka dib hadalka Sacad la hadlayay baarlamaankiisa waxa uu sheegay in ay dhawaan wada hadallada Somaliland la bilaabi doonan “Waxaan dhawaan bilaabi doonaa wada-hadalka aan la leenahay Somaliland dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin wixii khilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonnaa miiska wada hadalka” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Dawladda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in mawqifka Soomaaliya kaga soo horjeedo heshiiska dekedda Berbera carqaladaynayo wada hadallada qorshaysan laakiin, madaxweyne Farmaajo ayaa ku celiyay sida ay u diidan yihiin heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ku kala saxeexdeen Abu Dabay.

Dadka falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in ay arrintan saamayn yeelan doonto haddii Soomaaliya ku sii adkaysato mawqifkeeda, islamarkaana sharciyada caalamiga ah u adeegsato tallaabadan taas oo abuuri karta xulufooyin kala taageersan Somaliland iyo Somalia, islamarkaana arrinta sii cakirta. Waxa muuqata in xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya aad u xumaaday sida laga dheehanayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegay in aanay wax wada hadal ah kala yeelan arrintan Imaaraadka oo uu ku eedeeyay in ay baraha bulshada ku weerareen Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana madaxda DP World aflagaadeeyay Soomaaliya.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.