SOMALILAND SHAQO BADAN AYAA U TAALLA, WADA HADALKA SOMALIYA KA HOR

0

Somaliland waa dal intiisa badan ku midaysan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, hase yeeshee waxa jira aragtiyo taa ka geddisan oo ka jira deegaanada qaarkood, guud ahaan marka aad u dhabbagasho tabashooyinka deegaanadaasi waxa ay salka ku hayaan arrimaha saami qaybsiga iyo waxyaabo la halmaala,

Waxaan si wayn u aamminsanahay in Somaliland ay dawayn karto tabashada deegaannada qaar ka jirta gaar ahaan darafyada, waynu ku qasbannahay in aynu dhegaysanno darafyada waayo Somaliland ma kala maaranto marnaba,darafyaduna dalka ayay inala leeyihiin.

Wadada hadalka Somaliland iyo Somalia waxa uu ugu dambaynta ku soo idlaanayaa in Somaliland afti dadweyne oo caalami ah laga qaado, waxaan shaki ku jirin in haddii Somaliland sidan ay hadda tahay ugu badheedho in afti laga qaado in arrintu waji kale yeelanayso, wada hadalka Somaliland iyo Somalia waxa igala muhiimsan in Somaliland gudeheeda ka diyaar garawdo oo shacabkeeda midayso, qaddiyadda wada hadalka waxaan ku talinayaa in dib loo dhigo inta aynu si mug leh uga diyaar garoobayno.

Yusuf Cabdi Maxamed

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.