Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Somalia

0
Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Somalia

Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee ka taaggan Soomaaliya ku sheegtay in ay wer-wer weyn ka qabto dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka dhaca iyo xasillooni darro saamayn ku yeelata Gobolka oo ka dhalata go’aanka Muddo kordhinta iyo hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ee xaaladda hadda taaggan.
Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka Ee Muddo Kordhinta
Xukumadda Somaliland waxay ku eedaysay Madaxweyne Farmaajo kalitalisnimo iyo in aanu dhawran xuquuqda Aadamaha, waxaanay bulshada Muqdisho ugu baaqeen in ay amniga iyo xasilloonida ku dadaalan. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in reer Muqdisho wajahayaan caqabad ah dhibta Alshabaab iyo Culayska Kalitalisnimada Farmaajo.
EU Oo Mawqif Adag Ka Qaatay Mudo-Kordhinta Farmaajo
Waxa kale oo ay Somaliland Qaramada Midoobay ku ammaantay in Soomaaliya lagu ilaaliyo cunaqabataynta hubka, sidoo kalena Beesha Caalamku si dhaw ula socoto in hub ama saanad ciidan u korodho Soomaaliya wakhtigan.

No photo description available.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.