Somaliland Oo UN U Sheegtay In Hubka La Siinayo Somalia Ku Dhacayo Gacmaha Argagixisada

0
Somaliland Oo UN U Sheegtay In Hubka La Siinayo Somalia Ku Dhacayo Gacmaha Argagixisada

Somaliland Oo UN U Sheegtay In Hubka La Siinayo Somalia Ku Dhacayo Gacmaha Argagixisada
Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa maanta daabacay qormo uu kaga hadlay dacwada dawladda Somaliland ay u gudbisay madaxa Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay Mr. Francisco Antonio Cortorreal, taasi oo ay Somaliland ku iftiimisay in Gaadiidka Millatari ee dalka Qatar ugu deeqday Soomaaliya uu burinayo qaraarkii Qarammada midoobay ee tirsigiisu ahaa 2444, kuna wajahnaa cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA , ayaa soo xigatay Warbixinta Daily Nation, waxa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay u aragto hub kasta oo la siiyo ama laga iibiyo Soomaaliya uu ku dambeyn doono gacanta kooxaha argagixisada.

Wargeyska wuxuu intaas ku daray in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) uu dacwadiisa ku caddeeyey in hubka iyo Saanadda millatari la siiyo Soomaaliya ay khatar ku yahay Somaliland iyo dalalka jaarka ah sida Kenya.

Waxa kaloo Wasiir Faratoon xusay in hub kasta oo Soomaaliya hesho uu aakhirka gacanta u geli doono kooxaha argagixisadda.

Booliska Kenya ayaa shan maalmood ka hor shaaciyey in Saddex qori oo ka mid ahaa Shantii qori ee lagu weeraray Huteelkii ku yaallay Nairobi hore loogu iibiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya.

SOLNA

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.