Somaliland oo u gacan haadinaysa kooxda Cali Khaliif iyo Puntland oo Jilaabatay Xaabsadihii hore uga soo cararay

0

Dhagax-buur(Sayruuq) Axmed Cabdi Xaabsade ayaa lagu soo waramayaa in uu maanta ka ambabaxay magaaladda Dhagax-buur, isla markaana ku sii jeedo magaaladda War-dheer, halkaas oo uu doonayo in uu ka galo Puntland.

cali khaliifMaamulka Puntland ayaa magaaladda Buur Saalax ee xuduudka Itoobiya iyo Puntland ugu diyaarisay Axmed Cabdi Xaabsade soo dhaweyn isla markaana waxay u dirtay wefti uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Dadweyne farabadan.

Maamulka Puntland ayaa la filayaa sababta ay Xaabsade u kaxaysteen in ay tahay in ay u magacaabaan Xil wasiirnimo, si uu ugala qayb qaato dedaaladda Madaxweynaha Maamulkaasi ku doonayo in uu ku dhiso maamul Beeleed xoogan, hase yeeshee lama garan karo miisaanka uu ku kordhin karo Xaabsade oo hore uga soo cararay maamulkaasi isla markaana hadalo Deel-qaaf ah kaga yimi markii uu Somaliland soo galayey.

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ku hoyan doona Guri weyn oo uu ka dhistay Garoowe, halkaas oo ay ku sugan tahay Xaaskiisa Deeqa Colu-joog, taasoo xilal kala duwan ka qabatay Somaliland iyo Somaliya.
xabsade
Dhinaca kale, Cali Khaliif iyo kooxdiisa Khaatumo ayaa lagu waramayaa in ay wadaan dhaqdhaqaaq iyo xidhiidho ay ku doonayaan inay Somaliland kula heshiiyaan, maadaama ay maamulka Puntland isa so oaf-garan waayeen kadib markii uu dhawaan Cali Khaliif tagay Burtinle.

Dadka Odorosa siyaasadda Axmed Cabdi Xaabsade iyo Cali Khaliif ayaa sheegaya inaanay waligood meel wada istaagin isla markaana ay u dhaxayso labada Oday colaad siyaasadeed oo soo taxnayd Ilaa Siyaad Barre, taasoo sababta in markasta midkood u xagliyo dhinaca kale ee midkood soos baneeyo.

Isweydaarashada siyaasadeed ee Xaabsade iyo Cali Khaliif ayaa lagu tilmaamaa inay salka ku hayso Loolanka siyaasadeed ee Somaliya ee Beeshooda Dhexdeeda, taasoo Lug weyna ku leh dhinaca Somaliland markasta oo midkood Holado Mansab.

Labada Kooxood ee Cali Khaliif iyo Xaabsade ayaa xudun Siyaasadeed Xilligan ka dhigtay magaaladda Jigjiga ee ismaamulka Somalida Itoobiya, halkaas oo ay beryahan danbe laga istaadho siyaasadda Beeshooda, waxaanu maamulka Kililka shanaad u guntaa sahay, Saanad iyo Marti-soorid mudada ay joogaan Jigjiga.

khaliifCali Khaliif Galaydh iyo Dr: Cali Ciise waxa magaaladda Jigjiga ka galbiyey Ciidanka Liyuu Booliiska kuwaas oo ka talaabiyey Xuduudka Somaliland la leedahay Buuhoodle, halka Axmed Cabdi Xaabsade la hadal hayo inay magaaladda Jigjig aka kaxeeyeen isla ciidankaasi, kuwaas oo ka talaabin doona Xuduudka kililku la wadaago Puntland.

Si kasta ha ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay sidee Somaliland uga faa’iidaysan kartaa siyaasada midabyada badan leh ee ay siyaasiyiinta Beesha Gobolka Sool iyo Sanaag Barri ku jirjiroolaynayaan saacad kasta oo ay damcaan dano siyaasadeed oo kala fog inay ku gacan togaaleeyaan maamulada ay beel ahaan deegaan sida Somaliland, Puntland, Somaliya iyo Itoobiya.

Waa sidee se xidhiidhka socda ee u dhaxeeya Somaliland iyo kooxda Calia Khaliif oo toddobaadkii u danbeeyey laga dareemayey Hargeysa, muxuuse kaga duwanaan doonaan guur guurka siyaasadeed ee ay siyaasiyiinta Beeshaasi macaashka dhaqaale kaga raadinayaan kolba halka ay joogaan, marka ay ka muudsadaana ka yaacayaan?

Jawaabaha Su’aalahaasi waa kuwo u yaala xukuumada Somaliland inay si qoto dheer u dhuuxdo isla markaana uga digtoonaato dabino kasta oo wiiqaya siyaasadeeda gudaha iyo dibedaba, waana inay si miisaan leh uga tashato Tabashada Beesha ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta isbed bedelka badan ee barriga

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.