Somaliland Oo Shaacisay Dad Qaba COVID 19

0

Wasaarada Caafimaadka ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa hada shaacisay in laba qof laga helay xanuunka Coronavirus ama Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada qof kala joogaan magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Labada qof oo kala jooga Berbera iyo Burco ayaa la sheegay in mid yahay Somalilander dhalashada Ingiriiska haysta kan kalena ka soo jeedo Shiinaha.

Baadhista waxa lagu soo xaqiijiyay Kenya oo dheecaano laga qaaday 27 March loo diray.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.