Somaliland Oo Safka Hore Ka Gashay Waxyaabaha Togan Ee Afrika Samaysay 2017

0

Hargeysa(Sayruuq) Wargeyska Caanka ah ee Mail & Guardian oo ka soo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa qiimayn ku sameeyay waxyaaba wanaagsan ee Afrika ka dhacay sanadka sii dhammaanaya ee 2017 iyo waxyaabaha taban ee ka dhacay qaaradda, waxaanu wargeysku ammaanay Somaliland oo horumar dhinaca dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda Samaysay.

Suxufiga Qoraagana ah ee Simon Allison oo qormadan qiimaynta ah qoray ayaa sheegay in Somaliland tusaale u noqonayso qaababka Afrika ku horumarayso “Gobol aan xassiloonayn, Somaliland si uun bay u maaraysay in ay nabaddeeda Ilaaliso rubuc qarnigii u dambeeyay. Waxay gaadhay koritaan dhaqaale oo joogt ah. Waxay dhistay dimuqraadiyadda oo doorashooyin is daba joog ah la qabto, haddii aanay inta badan wakhtigooda ku dhicin haddana si nabad ah ayaa awoodda la iskugu wareejiya,” Sidaas ayaa warbixinta lagu yidhi iyada oo doorashadii Somaliland lagu qiimeeyay tii ugu adkayd ee Afrika ka dhacda oo loo adeegsaday qalabka Bu’da isha sawira.

Warbixinta ayaa ku talisay in la joogo xilligii Somaliland la aqoonsan laha waxna laga baran laha horumarka ay samaysay.

Halkan ka Akhri qormada Mail & Guardian

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.