Somaliland Oo Saartay Go’aammo Saamaynaya Ciidda

0

Guddida Heer qaran ee Xanuunka Covid19 ayaa Maanta soo saaray Go’aamo La xidhiidha Maalmaha Ciidul Fidriga.

Guddida heer qaran Covid19 ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii ay wada tashi la yeesheen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dhakhaatiir Khibrad durugsan u leh sida laysugu gudbiyo Xanuunka Covid19, waxa ay soo saareen Go’aamo.

Go’aamadan ay guddidu soo saartay waxaa lagu joojiyey Gabi ahaanba Isu soo bixii maalmaha Ciidda iyo Tukada Salaadda Ciidul-fidriga ee Masaajidada iyo Garoomada.

Sidoo Kale Waxaa lagu joojiyey Guud ahaanba Isu-socodka Gaadiiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay Ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

Waxaa la faray Mulkiilayaasha Garoomada iyo Goobaha Caruurtu Ku Ciyaarto inaan la furi karin si looga bad baado Xanuunka Covid19.

Waxaana la faray Dhammaan laamaha Ammaanka ee Dalka inay ku hawl galaan Ammaradan Guddida heer Qaran ee Covid19 JSL.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.