Somaliland Oo Saaka Looga Dareeray Doorashadda Baarlamaanka iyo Deeganka

0

Somaliland Oo Saaka Looga Dareeray Doorashadda Baarlamaanka iyo Deeganka

Hargeysa(Sayruuq)- Doorashooyinka Isku sidkan ee Baarlamaanka iyo golaha deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka guud ahaan looga dareeray Somaliland kuwaasi oo muwaadiniintu codkooga ku soo kala xulanayaan cida ku matalaysa Labaddda Gole ee Wakiiladda iyo Deegaanka.

Maanta waxaa Doorashadan is Diwaangaliyay 1,065,947 waxana u sharaxan Xildhibaanadda golaha wakiiladda 246 murshaxa oo laga doonayo inay soo baxaan 82 kursi  Mudane  halka deeganakana ay u sharaxanyihii 966 ay ka soo bixi rabaan 249 gole kursi oo fadhiisan doona golayaasha deeganka lixdda gobal iyo dagamo doorashooyinka.

saaka aroorti hore waxaa codeeyay Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddoomiyaayasha labadda Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Kulmiye, doorashadan oo ah tii u horaysay nooceedu oo la isku sidko baaralamaanka iyo Deeganka ayaa waxaa kormeeraya indha indhaynayaana goobjoogayaal caalami ah oo ka kala socda dalalka Dunidda.

Kala  Soco Wararka Doorashadda www.sayruuq.com

Hargeysa/Somaliland

sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.