Somaliland Oo Marti Gelinaysa Ciyaaraha Caalamiga Ee CONIFA

0
Somaliland Oo Marti Gelinaysa Ciyaaraha Caalamiga Ee CONIFA

Somaliland Oo Marti Gelinaysa Ciyaaraha Caalamiga Ee CONIFA
Guddida Fulinta ee xidhiidhka ciyaaraha dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA ayaa shalay isku raacay in sanadka 2020 Somaliland lagu qabto koobka caalamiga ah ee dalalka aan la aqoonsan. Dalalka oo cod u qaaday arrintan ayaa intooda badan taageertay in Somaliland lagu qabto.

CONIFA waa xidhiidh ay ku midaysan yihiin waddamada aan ku jirin xidhiidhka caalamiga ah ee FIFA waxaanay Somaliland marti gelin doonta xulal ka socda dalalka aan ka qayb galin koobka Adduunka kuwaas oo ay ka midaysan yihiin qaddiyadda aqoonsi raadinta.

Qoraal ka soo baxay CONIFA ayaa lagu sheegay in xidhiidhka Somaliland ee ciyaaraha oo la aasaasay 2011 metelayay Somaliland iyo dadka reer Somaliland ee daafaha dunida ku kala nool.

Koobkan ayaa noqonaya kii afraad ee dalalkani qabsadaan waxaana wareegyadii hore lagu qabtay dalalka Sapmi (2014); Abkhazia (2016); iyo Barawa (2018).

Somaliland ayaa hadda la hadal haya in ay samaynayso xulka Qaranka maaddaama aanu hore u jirin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.