Somaliland oo la Aqoonsanayo iyo Midnimo Somaaliyeed oo Khatar ku jirta.

0
kaddib markii lagu hungoobay rajadii laga qabay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu majaraha u hayo
ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh, Ayaa waxaa soo badanayo fikiradaha taageeraya gooni-isutaagga Somaliland, Kawaas oo ka imanaya Soomaalida gaar ahaan dadka reer Koonfureedka ah,Waxaana tusaale kuugu filan sida looga qeyb galayo 18 May.
Tan iyo markii lagu dhawaaqay Maamulka Somaliland muddo haatan laga joogo dhowr iyo Labaatan Sano, Waxa ay Siyaasiyiinta reer Somaliland iyo taageerayaashooda dadaal dheer ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen ictiraaf laakiin ma jiro dal ilaa Maanta aqoonsaday Somaliland ama xittaa olole ugu jira ictiraaf raadintooda.
Somaliland Ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo ictiraafi lahaa, Isagoo kaalmeysanaya dalal cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed, Waxa uuna garaacay albaaab kasta oo uu u arkaayey in uu ku caawin karo aragtidooda ee ah kala dhaantaalidda midnimada iyo wadajirka Wadanka laakiin Ilaahay Mahaddii dalna ma dhageysan.
Maadaama aanay Caalamka u muuqan kala duwanaansho dhanka Diinta, Midabka, Dhaqanka iyo Luuqadda,Waxa ay taasi keentay in la waayo wadan aqoonsada ama xittaa u ololeeya gooni-isutaaggooda laakiin waxaa hadda muuqanaya is badal weyn ka dib markii ay Soomaalidu dabacday dhib badan ka dib, Islamarkaana ay ogolaatay in loo taliyo. Ka dib markii ay saaxada soo galeen Siyaasiyiin aan lahayn khibrad iyo han sareeya, Islamarkaana ay fashilmeen dowladihii laga dhisay Koonfurta oo ay ku jirto midda hadda jirta,sidoo kalena ay daaleen Shacabkii Soomaaliyeed, Ayaa waxaa soo baxaya Siyaasiyiin iyo Oday dhaqameedyo ku baaqayo in la fasaxo Somaliland Islamarkaana la ictiraafo,Waxaana tusaaale u soo qaadan karnaa Odayaashii reer Koonfureedka ahaa ee booqday deegaanada ay ka taliso Somaliland. Ka dib markii ay Dowladda Federaalku ka baxday Ku-meel gaadhkii, Islamarkaana la doortay Madaxweynaha hadda jira Xasan Sheekh, Ayaa waxaa la filaayey in ay wax badan is badali doonaan gaar ahaan amniga iyo siyaasadda laakiin nasiib daro waxa dhacday waxa ay Soomaalidu u taqaanno ka daroo dibi dhal, Waana sababta keentay in ay soo baxaan dad reer koonfureed ah oo ku baaqayo in la ictiraafo Somaliland. Waxa Iyadana arimaha sii xumeeyey nidaamka federaalsim-ka, kaas oo noqday mid sii kala qoqoba dalkii, waxaana tusaale kuugu filan waxyaabaha ay sameynayaan Maamulada Puntland, Jubaland,Galmudug, Ahlu-sunna iyo Koonfur galbeed, Kuwaas oo u dhaqmaya sida dowlado ka madax banaan Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh.
Karti xumida haysata guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan kuwa hadda majaraha u haya Dowladda Federaalka iyo wada shaqeyn la’aanta ka dhaxeysa Maamul goboleedyada,Waxa ay fursad siisay Maamulka Somaliland in uu u dhaqmo sidii dal madax banaan halka ay ahayd in la cadaadiyo lagana soo xidho albaab kasta oo la awooda si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Dalka laakiin nasiib daro taasi ma dhicin. Hadaba arimo badan oo isu tagay dartood, sida karti xumida haysata ninka hogaamiya Dowladda Federaalka oo aad mooddo in aanay qiimaba la lahayn midnimada iyo wadajirka Dalka iyo ku mashquulidda ay Soomaalidu ku mashquushay maamul goboleedyada,Waxa ay keentay in ay soo baxaan codad badan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba, Kuwaas oo ku baaqaya in la ictiraafo Somaliland,Taasoo suurtagal ka dhigi karta hadday sii socoto in la aqoonsado Maamulkaasi. Maadaama ay Somaliland qarka u saaran tahay in la ictiraafo, Iyadoo ka faa’iideysaneysa karti xumida haysata Madaxda hogaamisa Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha, Sidoo kalena ay sii yaraanayaan dadka Wadaniyiinta ee u taagan maslaxada guud. Hadaba muxuu ku danbeyn doonaa dalka Soomaaliya ? maxaase dhici doona haddii la aqoonsado Somaliland ? Horta Ilaahay baa garanaya waxa dhici doona laakiin marka aad fiiriso faragelinta lagu hayo dalka iyo waliba sida ay u dhaqmayaan dadka Soomaaliyeed,Waxaa ii muuqata in la aqoonsan doono Somaliland ka dibna ay raaci doonto Puntland oo hadaba u dhaqmeysa sidii dal madax banaaan, Waxaana tusaale kuugu filan hadaladii ka soo baxayey ninka hogaamiya Maamulka Puntland,Kaas oo uu sheegay in ay Qunsuliyad ka furanayaan dalka Yemen, Halka inta soo hadhayna ay noqonayaan maamulo yar yar oo ay kor ka maamulaan dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Keny oo kale. Haddaan u soo laabto maxaa dhaci doona haddii la aqoonsado Somaliland, Sidoo kalena ay Puntland dhinac u istaagto,Kolay Anigu waxa ay ila tahay in ay Sedex arimood mid dhici doonaan,Waxa ayna kala yihiin Sedexdaas arimood :-
1-In uu Koonfurta ka dilaaco kacdoon Islaami ah sidii kii Maxaakimta oo kale ka dibna uu ku fido qeybaha kale ee dalka
2-In uu dhasho urur wadani ah sidii SYL oo kale ka dibna uu ku faafo dal iyo dibadba.
3- iyo in ay Soomaalidu ogolaato in uu dalku kala googo’o ama uu sii ahaado sida uu hadaba yahay Somalilandna la ictiraafo . Waa laga yaaba dhinaca kale in ay Soomaalidu heshiiso laakiin marka aad eegto sida ay wax u socdaan hadda, iyo sida ay u sii yaraanayaan dadka daneynaya danta guud,Waxa ay u muuqataa in lagu kala tagay dalkan oo aan dib loo arki doonin dal Soomaaliyeed oo mid ah.
W/Q:Abdullahi Ibrahim Cumar

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.