Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hanjabaadda Moorgan

0
Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hanjabaadda Moorgan

Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hanjabaadda Moorgan
Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Moorgan oo ka mid ah musharraxiinta madaxweynaha ee Puntland kaas oo sheegay in haddii la doorto uu xoog ku soo celin doono gobolka Sool ee Somaliland oo uu sheegay in xoog ay ku haysato Somaliland.

Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Moorgan oo xilligii Siyaad Barre haystay ciidamo ka badan soddon kun oo askari oo saanad culus haysta laga eryaday Somaliland haddana aanay jirin wax gacantiisa ku jira.

“Moorgan markii uu haystay qaybta 26-aad oo ahayd qaybtii Soomaaliya ciidankeeda ugu xoogga weynayd, 50% dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray qaybtii ugu xoogga weynayd oo xukumaysay cir, dhul iyo bad oo maamulaysay 36,000 oo askari oo taangi, diyaarad iyo hub ku hubaysan ayuu watay waxaanu ahaa ninkii ugu orodka dheera ee halkan laga caydhsaday, haddii aanu gadhku nukliyeer u noqonayn wax allaale wax uu maanta haya oo gacantiisa ku jirtana ma jirto waana hadal aanu ka fiirsan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in nin kasta oo madaxweyne isaga sharaxa Puntland uu cod ku raadiyo hadallada ku saabsan in uu gobolka Sool hoos keenayo maamulka Puntland waxaanu sheegay in Somaliland xuduudkeeda difaacayso, islamarkaana jeceshahay in nabad lagu wada noolaado.

Moorgan ayay bulshada Somaliland godob xun u haysa maaddaama uu hoggaaminayay hawlgalladii lagu burburiyay magaalooyinka Somaliland laguna xasuuqay dad badan xilligii nidaamkii Siyaad Barre sii dhacayay.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.