Somaliland Oo Ka Hadashay Weftiga Israel

0
Somaliland Oo Ka Hadashay Weftiga Israel

Somaliland Oo Ka Hadashay Weftiga Israel
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warar ilaa shalay galinkii dambe lagu baahinayay baraha bulshada oo ku saabsan in wefti Somaliland ka socda tagay waddanka Israa’iil.

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo loo badinayay in uu weftigaasi hoggaaminayay ayaa beeniyay wararkan islamarkaana ku dooday in aanu warkaasi ahayn mid jira.

Wariye reer Israel ah iyo suxufiyiin maxalli ah ayaa shalay galinkii dambe baraha Facebook/twitter ku baahiyay warar sheegaya in wefti Somaliland ahi tagay dalka Israel.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.