Somaliland Oo Ka Hadashay Markabka Jida ku Xanniban

0
Somaliland Oo Ka Hadashay Markabka Jida ku Xanniban

Somaliland Oo Ka Hadashay Markabka Jida ku Xanniban

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland, Xasan Gaafaadhi, ayaa xaqiijiyay in dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga lagu xannibay Markab siday xoolo, kaasi oo ka dhoofey dekedda Berbera.

Sababta Markabkan loo xannibay ayaa ah in aanu haysan shahaadada caafimaadka xoolaha ee dawladda Soomaaliya.

“Markabkaasi wuxuu ku tagay dalab ka yimid bangigii Islaamiga ahaa ee xilliga moosimka Xajka xoolaha qaadan jiray iyo ganacsadii Carabta oo tidhi Markabka ha la soo daayo waxaanu ku tagay damaanad ay bixiyeen oo ah in markabkaa la dejinayo,” ayuu yidhi wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi.

Waxa uu intaasi raaciyay in markii Soomaaliya ogaatay in afar habeen ka hor Markabkani ka tagay Berbera ay wefti u dirtay Sucuudiga si loo waydiiyo warqad caafimaad oo Federaalka ah waxaanu sheegay in Markabkan oo dhanka Sucuudiga iyo waaxdiisa caafimaadku fasaxday ay Soomaaliya keentay arrinta ah in warqad la waydiiyo.

Waxa uu ku macneeyay arrintan dagaal ganacsi iyo siyaasadeed oo Soomaaliya kaga soo horjeedo nolosha bulshada Somaliland.

Waxa uu sheegay in wasiirrada Somaliland, madaxweynaha iyo ganacsatadu shir ay yeesheen isla qaateen in aan sinaba lagu ogolaan in Soomaaliya warqad caafimaad oo ay bixisay ay xoolaha Somaliland ku dhoofaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.