Somaliland Oo Ka Digtay Farogelin Ay Ku Eedaysay Hay’ado Ajnabi Ahi Inay Ku Hayaan Shuruucda Dalka

0

Hargeysa (Sayruuq)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka digtay faro-gelin ay sheegtay inay ku hayaan sharciga iyo shuruucda dalka Hay’adaha tirada badan ee ku sugan dalku, isla markaana, aqoonsadaan Aqoonyahannada Qaranka ee dhanka sharciga.

Xukuumaddu waxay sheegtay in Hay’ado doonaya inay gunno ku soo qaataan arrimaha Sharciga ee Somaliland hoosna u dhigaan tayada khuburada dhanka sharciga ee Somaliland, iyaga oo shaqo ka dhiganaya inay tababbarro qabtaan. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre wuxuu sidan ka sheegay shir u furmay Guddiga Caddaaladda.

Wasiir oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waddanka waxaynu uga masuul nahay inaynu sharcigiisa iyo xeerarkiisa ilaalinno ee aynu habayno. Sharci-yaqaannadii iyo xeer-ilaaliyayaashii iyo aqoonyahannadii sharciga ee dalku way buuxaan oo wixii khhuburo ah waa la soo qaadan karaa (Shaqaaleysiin karaa).”Ayuu yidhi wasiirka caddaalada Somaliland.

Wasiirku sidoo kale wuxuu soo jeediyay in arinkaasi laga tashado hay’adaha arimaha sharciga farogalinta ku haya“Laakiin, inay boqol hay’adood is dhex cararaan oo ay sharcigeenna qolo kastaa tidhaahdo wax garan maysaan maaha iyaga oo doonaya inay inyar oo gunno ah ku soo qaataan, arrinkaana inaynu ka tashanno ayaynu u baahannahay.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.