Somaliland oo Go’aan ka soo Saartay Daryeelka Degaanka iyo Baabi’inta Dhul-daaqsimeedka Sharci-darrada loo Xidhay

0

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo shaaciyey qodobo wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka degaanka iyo qorshe la doonayo in lagu raadiyo tamar lagu beddelo dhuxusha                          

“Waxa aannu u sheegaynaa ummadda reer Somaliland meel aad joogtaanba dhulka aad oodateen maaha mid aad ka leedihiin ama xigtaan ummadda kale, laga bilaabo maantana…”

Md. Cabdiraxmaan Saylici

Hargeysa (Sayruuq)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aanno ka soo saartay daryeelka degaanka iyo baabi’inta dhul-daaqsimeedka sifaha sharci-darrada ah loo ootay, iyadoo digniin loo diray cidkasta oo sheegata dhul ka dhexeeya ummadda Somaliland.

Saylici iyo deegaanka

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qaybgalay xus loo sameeyey maalinta degaanka adduunka oo lagu qabtay Hargeysa shalay, waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan qaateen go’aan lagu tirtirayo dhulka la xidhay.

“Xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa siyaasad ku aadan dhaqaalaynta iyo ilaalinta degaanka, isla markaana si loo yareeyo waxyeelada isbeddelka cimilada, waxay qaaday tallaabooyinkan oo lagu daryeelayo degaanka.

  • Raadinta iyo dhiirigelinta tamaro kala duwan oo lagu beddeli karo dhuxusha
  • Ka hortaga xaalufka iyo dhir-jarista, iyadoo aan loo dulqaadan doonin in la baabiiyo degaanka iyo dhirta
  • Hakinta iyo baabi’inta dhul-daaqsimeedka loo ootay sida sharci-darrada ah

Qodobkaas oo aan isku dul-taagaya waxa weeye in dhulkii ka dhexeeyey ummadda aannu ognahay in dad gaar ah qaatay, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘amaano kugu raagtay in aad leedahay ayaad moodaa.’ Markaa waxa aannu leenahay, una sheegaynaa ummadda reer Somaliland meel aad joogtaanba dhulka aad oodateen maaha mid aad ka leedihiin ama xigtaan ummadda kale, laga bilaabo maantana uma dulqaadanayno arrintaas, waxaanna loo xilsaaray 11 ilaa 12 wasaaradood oo iska kaashanaya waddo kasta oo aan u marayno iyo dhaqaale kasta oo ay nagu qaadanayso sidii loo baabi’in lahaa seerayaasha sharci-darrada lagu xidhay, waxaanan ka bilaabaynaa olole ballaadhan oo lagu baabi’inayo dhulka la iska ootay, iyadoo aanay jiri doonin cid gaar ah oo dhul iska oodan karta,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Waxa kaloo uu tilmaamay in xuska maalinta degaanku ahayd 5 June 2015 oo ku beegnayn maalintii Jimcaha, sidaas darteedna la isla qaatay in xuskaas la qabto Axaddii shalay, isagoo xusay in doorsoonka cimiladu sababo dhibaatooyin badan oo la xidhiidha dhinaca degaanka.

“Doorsoonka cimiladu inkasta oo uu u dhici karo si dabiici ah, sida raadka ka dhasha folkaanaha (volcano), waxa haddana saansaankiisa ii murgiya ama adkeeya dhaqdhaqaaqa aadamaha. Samaynta degaanno cusub oo aan qorshaysnayn ayaa sidoo kale raad ku yeesha degaanka iyo doorsoonkiisaba, waxa kaloo raad ku yeesha xaalufinta dhirta qoyan oo siyaabo badan loo adeegsado, sida dhuxusha, dhismayaasha guryaha iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

Korodhka warshadaha dunida, ayaa sidoo kale saamayn ku yeesha degaanka, taasoo keentay qiiq badan oo hawada lagu sii daayo, marka laga hadlayo dhinaca Somaliland-na raadaynta ugu badan ee doorsoonka degaanka ama cimilada waxa ka mid ah abaaraha soo noqnoqda iyo cimilada oo isbeddesha, ciida oo tayo-dhac ku yimaad, dulinka iyo cayayaanka beeraha oo bata oo ay weheliso in wax-soo-saarkii yaraado,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale sheegay in dhir badan oo laga dabar-gooyey Somaliland ay saamayn ku yeelatay degaanka, isla markaana ay arrimahaasi sababeen in khayraadka dalku lahaa hoos-u-dhac ku yimaad, isagoo xusay in dad badan ku soo qulquleen magaalooyinka, kadib markii noloshii miyigu adkaatay.

Waxa uu ballanqaaday in dawladda Somaliland ka shaqayn doonto sidii loo daryeeli lahaa degaanka, loogana hortagi lahaa xaalufka iyo seerayaasha sida sharci-darrada ah loo xidho, arrimahaas oo uu tilmaamay inay saamayn ku yeesheen degaanka Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.