Somaliland Oo Furaha Telefoonka Somalia Uga Guuraysa Furaha Jabuuti

0
Somaliland Oo Furaha Telefoonka Somalia Uga Guuraysa Furaha Jabuuti

Somaliland Oo Furaha Telefoonka Somalia Uga Guuraysa Furaha Jabuuti

Wargeyska Foore oo Hargeysa ka soo baxa ayaa ku warramaya in xukumadda Somaliland diyaarisay qorshe ay kaga guurayso furaha dal ku galka telefoonnada ee +252 oo ah kan Somalia ee Somaliland hadda isticmaasho. Xoggahan ayaa intaasi ku daray in furaha Somaliland u guurtay dhawaan ay shaacinayso xukumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa hore baarlamaanka ugu sheegay in qorshaha u horeeya ee xukumaddu yahay sidii loo heli lahaa fure ka duwan kan dal ku galka Somalia(Country code +252) maaddaama Somaliland ka go’day Somalia. Wasiir Cabdi-Wali Sheekh Cabdilaahi Jibriil ma sheegin waxa uu noqon doono furaha cusub ee Somaliland.

Geesta kale wargeyska Foore ayaa sheegaya in furaha cusub ee Somaliland u guuraysa yahay kan dalka Jabuuti ee +253 oo si tijaabo ah loogu guurayo laakiin, wargeysku ma sheegin waxa uu noqonayo tallaabada taasi xigta. Shirkaddaha isgaadhsiinta Somaliland ayuu sheegay in ay arrintaasi u arkaan mid loogu danaynayo cid gaar ah waxaana suuro gal ah in ay warwarsan yihiin shirkad isgaadhsiineed oo uu samaysto ganacsadaha xidhiidhka dhaw la leh madaxweyne Muuse iyo xukumadda Jabuuti ee Ina Awsiciid. Wargeyska Foore waxa uu sheegay in shirkadduhu abaabulayaan mucaaradad tallaabadan lagaga hor tago.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in Somaliland iyo Jabuuti ay ka dhexeeyaan xurgufo ku saabsan loolanka danaha dhaqaalaha. Dawladda Jabuuti ayaa dhawaan sheegtay in ay shirkadda DP World oo dalalka dariska iyo badda cas ka samaysay dekedo ka hor imanayso danka qaranka Jabuuti. Arrintaasi ayay bulshada Somaliland u aragtay in Jabuuti dhalliilsan tahay horumarka Jabuuti waxaana arrintaasi degdeg uga jawaabay wasiirkii hore ee qorshaynta Somaliland Maxamed Aadan Qabo, Eng Faysal Cali Waraabe iyo siyaasiyiin kale.

Dawladda Jabuuti oo arrimahan ka jawaabaysay ayaa si adag u dhalliilay siyaasiyiintaasi. Wasiirka dekedaha iyo ganacsato Jabuuti u hadlay ayaa si adag uga hor yimid hadallada ku saabsan in Jabuuti ka hinaastay horumarinta dekedda Berbera waxaanay Eng Faysal Cali Waraabe ku eedeeyeen in loo soo kiraystay dagaal ka dhan ah dawladda Jabuuti.

Dawladda Somalia ayaa sidoo kale hore uga soo horjeedsatay qorshaha dawladda Somaliland ku doonayso in ay samaysato fure dal ku gal dhanka isgaadhsiinta ah oo aan ahayn kan Somalia ee +252. Wasiirka isgaadhsiinta ayaa ku dooday in aanay sinaba u suuro galayn in shirkaddaha isgaadhsiintu isticmaalan fure aan ahayn 252 laakiin lama oga awoodda Somalia u leedahay in ay Somaliland ka hor istaagto rabitaankeeda.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.