Somaliland Oo Dib Uga Fiirsanaysa La Hadalka Somalia

0
Dawladda Somalia & Maamul Goboleedyaduba Waxay Shaqo Ka Dhigteen Baabi’inta Raadka Somaliland,” Dr Sacad

Somaliland Oo Dib Uga Fiirsanaysa La Hadalka Somalia

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in dawladda Somaliland dib uga fiirsanayo wada hadallada Soomaaliya ay kula jirto oo la filayay in ay bishan dib uga furmaan dalka Jabuuti kadibna loo wareejiyo waddanka Switzerland ee carriga Yurub.

Arrintan ayaa timid markii dawladda Somalia si adag uga hor timid heshiiska Somaliland iyo Imaaraadku hore u wada galeen oo haddana Itoobiya saxeexday saami laga siiyay maamulka dekedda maaddaama ay tahay macmiilka ugu weyn ee dekeddu yeelanayso marka la horumariyo.

“Cunfigaas ay muujiyeen Soomaaliya waxay keenaysaa in aanu dib uga fiirsano wada hadalkii, dib ayaana uga fiirsanaynaa, jawigan ay imika abuureena maba aha jawi lagu wada hadli karaba,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo wargeyska Geeska Afrika u warramay waxaanu intaasi raaciyay “Weynu ka tashan doonaa haddii jawi lagu wada hadlaa aanu jirin, wax lagu wada hadlaa maba jiraan.”

Geesta kale waxa wasiir Sacad la waydiiyay aragtidiisa ku aaddan dawladda Turkiga oo ka xumaatay in wada hadalada laga wareejiyay waxaanu yidhi “Turkigu wuu ku mahadsan yahay dadaalkii uu sameeyey, iyo sidii uu iskugu keen soo dhaweeyn lahaa inaga iyo Somaliya, laakiin muddo ayuu ka ahaa hormood, waxba kama midho dhalin, meel haddii ay wax ka midho dhali waayaan meel kale ayaa la tijaabiyaa, maaha wax aanu ku dhaliilnayo, ama ku fogaynayno, waxaanu isaga leenahay waad mahadsan tahay laakiin waxa la soo gaadhay xilligii cid kalena la tijaabin lahaa, hadda lafteedana wixii talo iyo tusaale ah ee uu muujiyo ama uu ina siinaayo inagu ma diidanin, oo doorkaas wuu ciyaari karaa, laakiin doorkii dhex-dhexaadinta cid kale ayaanu tijaabinaynaa insha allaah.”

Dawladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeedda saamiga dawladda Itoobiya ku yeelatay dekedda Berbera laakiin, waxay eedaynaysa Somaliland iyo Imaaraadka oo hore heshiisyo dhawr ah u dhex mareen. waxa jira warar ku saabsan in Somalia dacwad ku dayayso arrintan iyada oo taageero ka helaysa Turkiga iyo Qadar waxaanay Jaamacadda Carabta u gudbisay warqad ashkato ah.

Shirkadda Dp World ayaa hadalka Soomaaliya ku tilmaantay hadal aanay iyagu joojin karin oo iska socda laakiin, Somaliland oo ay heshiiska la galeen yahay dal madax bannaani haystay 28 Sannadood. sidoo kale Somaliland ayaa si weyn ganafka ugu dhufatay eedaha Soomaaliya waxaana la filaya in ay curyaamiso arrintan kulan la filayay in uu bishan dhexmaro Farmaajo iyo Biixi si uu ibo fur ugu noqdo wada hadalo dhex mara labada dal.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.