Somaliland Oo Codsi U Diratay Dawladda Itoobiya

0
Ingiriiska Oo Ka Hadlay Citiraafka Somaliland

Somaliland Oo Codsi U Diratay Dawladda Itoobiya
Dawladda Somaliland ayaa doonaysa in shidaalka dhawaan laga helay gobolka Soomaalida ee Itoobiya laga dhoofiyo dekedda Berbera. Dhuumaha shidaalka qaada ayaa hore loo qorsheeyay in la geeyo dekedda Jabuuti inkasta oo mar dambe la sheegay in la gayn doono dekedaha Ereteriya laakiin, Somaliland ayaa ku biirtay loolanka.

“Waayo aan gaasta dabiiciga ah iyo salliidda qaydhin ee gobolka Ogadeen aan looga dhoofinayn xeebaha Somaliland ee Berbera,’ Sidaas ayuu wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland u sheegay Bloomberg isaga oo intaasi raaciyay in ay kharash yar tahay in Berbera laga dhoofiyo shidaalka gobolka Soomaalida oo u jira Berbera 400 km halka ay Jabuuti u jirto 700km.

Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal waxa uu sheegay in go’aanku u yaallo dawladda Itoobiya sidoo kalena ay arrintan u bandhigayaan shirkadda dhuumaha dhisaysa ee ku shaqada leh shidaalka gobolka Soomaalida oo Shiinaha laga leeyahay.

Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay hore heshiis ula gaadhay shirkadda dhismaha dhuumaha shidaalka qaadaya samaynaysa laakiin, uu furan yahay tartanku.

Qorshaha Itoobiya ayaa ahaa in dekedda Jabuuti laga dhoofiyo shidaalka gobolka Soomaalida inkasta oo ay markii Ereteriya ay heshiiyeen soo baxday in Imaaraadka oo ay isku dhaceen Jabuuti u bandhigay Itoobiya in dhuumaha lagu xidho dekedda Asmara kharashkana ay bixinayso UAE hase ahaatee waxa loo arka in halka ugu dhaw uguna habboon ee laga dhoofin karo shidaalku tahay dekedda Berbera.
Halkan ka akhri warbixinta warbaahinta Bloomberg arrintan ka diyaarisay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.