Somaliland oo Awaamir ku soo Rogtay Masaajidada

0

Somaliland ayaa habraac cusub kusoo rogtay Masaajidda, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19.

Akhriso habraacan cusub:

HAB-RAACYADA MASAAJIDADA:

Dhammaan Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidada waxa lagu amrayaa:

In ay xidhaan Af-saab, dadka masaajidka ku tukanayana ay ku amraan inay xidhaan Af-saab;

In qof kasta oo ku tukanaya Masaajidka uu soo qaato sijaayadiisa;
In ugu yaraan 1.5m (hal mitir iyo badh) la kala fogaado safafka salaadaha;
In ay xilliga salaadaha faralka ah ku soo koobaan 25 daqiiqo oo aanay ka badin karin;

In laga bilaabo 10/10/2021 ay xidhaan dhammaanba musqulaha iyo meelaha lagu waysaysto ilaa amar dambe ama xaalada xanuunku ay is bedelayso;

In ay furaan daaqadaha iyo albaabada Masaajidada;
In ay bulshadu ku soo waysaystaan guryahooda iyo meheradahooda;

In dadka waaweyn iyo dadka la nool xanuuno u gaar ah ay ku tukadaan guryahooda;

In qofkii leh calaamado u eg kuwa koroonaha aanu iman masaajiddada ee uu ku takado howgiisa ama meheradiisa;

In imaamyada masaajidada ay ducada Qunuuda salaadaha faralka ah innooga duceeyaan dhibaatada xanuunka.

Masaajidada u hoggaansami waaya hab-raacyada Masaajidada, waxa loo aqoonsanayaa in uu masaajidkaasi yahay mid dhiirri gelinaya faafitaanka xanuunka Covid-19. Fulinta iyo dabagalka arrimahan waxa leh Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.