Somaliland Oo 6 Qof Uga Shakisan COVID 19

0
Somaliland Oo 6 Qof Uga Shakisan COVID 19

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida ka-hortagga iyo u diyaargarwga COVID 19 Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in saddex qof oo looga shakiyay in ay qabaan xanuunka COVID 19 ee uu keeno Coronavirus baadhitaan lagu sameeyay loo diray dalka dibadiisa, islamarkaana la sugayo natiijada baadhitaankooda.

Dhanka kalena Saddex qof oo kale oo ka yimid Jabuuti ayaa lagu arkay astaamihii cudurka Coranavirus waxaana lagu karantimeeyey magaalada Saylac.

Madaxweyne xigeenka ayaa sidaasi ku sheegay warbixin guddidu maanta la wadaagtay bulshada.

“Jamhuuriyadda Somaliland weli ma jirto cid la xaqiijiyay in cudurka Covid-19 uu haleelay. Waxa aanu haynaa saddex qof oo looga shakisanyahay oo mid ka mid ahi u dhashay dalka China, waxaana la sugayaa jawaabta baadhitaankooda.

Dhamaan waxa la karantiimeeyey dadkii ka soo degay Garoonka Cigaal ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland laga soo bilaabo 25kii March, Mana jiro cid ay kasoo muuqdeen calaamadaha cudurku, dhamaantoodna waxa ay dhamaysan doonaan 14ka Maalmood ee Karantiinka.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.