Somaliland: Muddo-kordhintu Dan Mise Danaysi!?

0

By:Khadar Nuux Yoonis

Muddo-kordhin, odhaah ama erayo dhegaha naga qabsatay oo na dhibtay bilihii ugu dambeeyay, waa kalmad khilaaf-u-joog ah oo bulshadii iska wada horkeentay, meelo kala fog laga taagan yahay, aragtiyo kala duwanna laga bixiyay.
Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Axmed-Siilaanyo oo la doortay bishii juun 2010-kii, xilkana waxa loo dhaariyay 27 Julay 2010-kii, waxa uu muddo-xilleedkiisii rasmiga ahaa kaga eeg yahay Juun 26, 2015. Cid waliba way ogtahay. Waxa qorshuhu ahaa in doorashadu wakhtigaasi ku qabsoonto, waxa ay Mucaaridka, Muxaafidka iyo Xukuumadduba isla qaateen in la sameeyo diiwaangelin si doorashadu ugu qabsoonto si xor iyo xalaal ah oo aanay keenin is qabqabsi iyo kala shaki.
Kadib markii, Guddiga doorashooyinka Somaliland lagu dhawaaqay waxay muddo dheer ka dib keeneen qorshe ah inaanay doorashadu wakhtigii loo qoondeeyey lagu qaban karin, taasoo ahayd 26 June, 2015-ka. Waxa ay Guddida doorashooyinka Qaranku soo jeediyeen aragti rog-rogid badan ka dib la isla qaatay oo sheegaysa wakhtiga rasmiga ah ee ay ku qaban karaan diiwaangalinta cod-bixiyayaasha, doorashaduna ay qabsoomi karto oo ah Juun 1, 2016-ka.
Wakhtigan ay Komishanka doorashooyinka Somaliland sheegeen waxa soo dhaweeyay labada Xisbi Mucaarid iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland, kuwaasoo sheegay inay oggolyihiin wakhtiga ay Komishanka doorashooyinka Somaliland soo jeediyeen.
Waxa kale oo iyaguna si rasmi ah u soo dhaweeyay beesha caalamka ee Somaliland dhinaca dhaqaalaha ka taageerta, kuwaasoo tilmaamay inay maalintaa loo asteeyay qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada ku kalsoon yihiin.
Xukuumadda:
Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo wali ma dhaaddana dhawaaqyada harreeraha kaga imanaya ee ka digaya muddo-kordhin Xukuumaddiisa ah. Xukuumaddu waxa qudh iyo maan u ogyihiin inaanay Samaha iyo wanaagga lagu wada joogaa sii jirayn haddii ay timaaddo muddo-kordhin ka badan wakhtigaa ay Komishanka doorashooyinka Somaliland cayimeen, haddana waxa soo baxay dhawaaqyo hoose oo sheegay inay niyadda iyo qalbiga ka doonayso Xukuumaddu inay hesho laba sanno amma Sannad iyo siddeed bilood oo ay kursigaasi sii fadhido, waloow bulshadu ku kala qaybsantahay. Xukuumadda Somaliland ee wakhtigan taagani saddexba muddo arrimood kordhinta way u doonaysaa
1. Xukuumaddu uma diyaar aha qabashada ku qabashada doorasho wakhtiga Komishanku u astayeen.
2. Xukuumadda uu hoggaaminayo Axmed-Siilaanyo uma diyaarsana inay hirgaliso doorasho wakhtigeedii timaadda.
3. Waxa ay laabta iyo maanka ku haysaa muddo kordhin qoondaysan oo noqon karta 2 sano ama Sannad iyo sideed bilood oo xaal-xaal iyo Xoolo gurasho ah

Komishanka Doorashooyinka:
Komishanka Doorashooyinka Somaliland waxa ay soo jeediyeen in doorashada lagu qabto waqti astaysan oo ah 1 Juun, 2016-ka, waxaanay ka soo baxeen kaalintoodii cayimida doorashada, iyagoo raacaya qodobada ku waajibinaya ee Xeerka doorashooyinka Somaliland.
Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaankaa ee soo baxay 2001-kii ayaa sidan hoos ku qoran dhigaya, gaar ahaan qodobkiisa 8-aad waxa uu sheegaya; ‘Wakhtiga qabashada doorashooyinka: Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxaanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.
Sidoo kale Qodobka 14-aad farqadiisa 4-aad ee Xeerkaas waxa uu siinayaa Guddida doorashooyinka Qaranka; in Koomishanka doorashooyinka Somaliland awood u leeyihiin cayimidda wakhtiga doorashada la qabanayo, iyagoo Madaxwaynaha u gudbinaya si uu digreeto ugu soo saaro.
Guddiga doorashooyinka Somaliland sidaasi ayay isku baraxday, waxaanay gudatay waajibkii ummadda Somaliland xilka ay u hayaan farayay, walibana waxay dabaqeen oo ay raaceen aayaadkii ay ku dhaaratay ee daacad iyo dulqaadka ahaa.
Xisbiga UCID:
Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxa uu soo dhaweeyay wakhtiga ay Guddiga doorashooyinka Somaliland u cayimeen in doorashada lagu qabto, waxaanay sheegeen inay maalintaasi ku kalsoon yihiin. Iyagoo welwel ka muujiyey muddo-kordhin Xukuumadda Axmed-Siilaanyo loo sameeyo oo ka duwan taasi ay Guddida doorashooyinka Somaliland asteeyeen.
Xisbiga UCID waxa Guddoomiye ka ah Faysal Cali Waraabe, halka Murrashax Madaxwayne uu ka yahay Jamaal Cali Xuseen, ku xigeenkiisuna yahay Cabdirashiid Xasan Mataan, balse Xisbiga waxa ka muuqata kala daadsanaan, wali muu qabsan shirkii Golaha dhexe, malaha barnaamij siyaasadeed oo wali degsan. Murrashaxa madaxwayne iyo ku xigeenkiisa cod laguma dooran. Muddo-kordhintu ma dan ayay u tahay mise danaysi?
Xisbiga WADDANI:
Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhaweeyay wakhtiga Komishanka doorashooyinka Somaliland doorashada u cayimeen, isagoo sheegay inay wakhtigaasi tahay mid ku munaasib ah oo ay ku qanceen, waxaanu meel fagaare ah ka sheegay inay wallaac ka qabaan muddo kordhin aan ahayn taasi ay komishanka doorashooyinka Somaliland cayimeen.
Xisbiga WADDANI waxa Guddoomiye ka ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), malaha Musharrax Madaxwayne, mana laha Barnaamij Siyaasaddeed, isla markaana shirwaynihii Golaha dhexe may qabsan. Waxa uu leeyahay Murrashax Madaxwayne ku-xigeen waxaanay u taagan Axmed Muunin Seed, walise cod laguma soo saarin
Xisbiga KULMIYE:
Xisbiga KULMIYE si teel teel ah ayuu u soo dhaweeyay muddada Komishanka Doorashooyinka Somaliland doorashada ku qabanayaan, mar kale xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay inay imanayso muddo-kordhin taas ka badan.
Xisbil-xaakimka KULMIYE waa khilaaf u joog, wali ma cadda cidda doorashada isu soo taagaysa ee ah Musharraxa Madaxweyne, waxa iska laalaada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Madaxwaynaha talada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo tiraba dhawr jeer ku celiyay inuu murrashax yahay, taasi wali ummadda Somaliland may kala fahmin. Xisbiga KULMIYE oo ah ka ay Xukuumaddu ka dhalatay wali Buuggii cagaarnaa ee uu doorashada ku helay waxba kamuu dabaqin oo sidii uu u sheegay maalintaasi umuu fulin waanu kala dhantaalan yahay.
Haddaba, marka aynu soo aragnay xaaladda Xukuumaddeenna uu hoggaaminayo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla jeerkaana jalleecnay xaaladda saddexda Xisbi ee Somaliland ku sugan yihiin, muddo-kordhin ma tahay mid dan ah mise waa mid ku danaysi ah?
Golaha Guurtida:
Golaha Guurtida Somaliland waxa Guddoomiye ka ah Saleebaan Maxamuud Aadan isagoo Madaarka Hargaysa ka soo deggaya waxa uu sheegay inay muddo-kordhin imanayso inta ay doonto ha noqotee. kulammo hoose iyo mid sareba way yeesheen dhinacyada siyaasadda ku hirdamayaa, waxaase ugu wayn fadhigii ay yeesheen 3-dii bishii May 2015, dood dheer waxa ay isla qaateen Guddi inay u saaraan, kuwaasoo ka soo talo-bixin doona wakhtiga muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda uu hoggaaminayo Axmed-Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.
Guddigaasi waxa ay ka kooban yihiin 29 Xubnood oo uu markale Guddoomiye Saleebaan hoggaaminayo walina way isla maqanyihiin “biyo sare tegay waa la sugayaa”. Waxase xusid mudan in guddigaasi haatan uu bilaabay kullamo uu gooni gooni ula yeelanayo Axsaabta siyaasada iyo guddiga doorashooyinka qaranka, intaasi ka dibna waxa la filayaa in guddiga taladooda ku aadan muddada muddo kordhin loo sameeyo Xukuumada iyo golaha Wakiilada, usoo gudbiyaan golaha Guurtida si uu go’aana
Haddii aynu dhigtada dib u raacno Guurtida muddo-kordhin badan ayay samaysay waxaanay dalka ka samaysay muddadii ay jirtay tiroba afar muddo-kordhinood. Anigoo soo xiganaya xogo badan oo aan ka soo kala amaahday qormooyin kala duwan iyo dhiganayaal suntaya muddo-kordhino aan lagu liibaanin iyo qaar lagu aflaxayba.
Taariikhahan cayiman ee ay Guurtidu u kordhiyeen Xukuumadihii kala dambeeyay ee soo mara Somaliland sida uu qormo uu hore u baahiyay Suxufiga Cali Coomey oo uu ka soo kala xigtay dhiganaha dhaxal-reeb iyo meerisyadii taariikhada, waxa jirta inay guurtida Somaliland muddo kordhino sameeyeen xaallado ay Somaliland sidan ka itaal darneyd iyo kuwo ay sidan dhaantay .
Muddo Kordhintii Koowaad ee 1995-kii:
Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993-kii ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaalada dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey inaanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaalada amaan-daro ah.
Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhintii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Horaantii sannadkii 1997-kii waxa loo dareeray doorashadii shir-Beeleedka ee ka dhacday Hargaysa gaar ahaan guriga shaqaalaha.
Muddo Kordhintii Labaad ee 2001-dii
Markii labaad ee muddo kordhinta loo sameeyey dawladdii Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxay ahayd muddo dhan sannad, taasoo ka bilaabmaysay 2001-dii ilaa 2002-dii. Sidii hore oo kale sababaha loo cuskaday muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu samaysay waxa lagu sheegay dhawr arrimood oo ay ugu mihiimsan yihiin
• Guddigii diiwaangelinta lama samayn, si dadka codaynaya loo ogaado
• Xuduudihii dalka lama wada gaadhin
• Xaalada dalka oo weli ku jirta amaan-darro, maadaama oo Burco lagaga dhawaaqay gole Salaadiin iyo siyaasiin isugu jirta.
Markii ay golaha guurtidu arrimahaasi soo bandhigeen ayey go’aamiyeen muddo kordhintaasi.
Muddo Kordhintii Saddexaad ee 2003-dii.
Sannadkii 2003-dii ee la doortay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin, muddo xilkeedkiisu wuxuu ku dhammaa 2008-dii. Markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, ayay guurtidu kal-fadhi yeesheen ayaa lagaga doodaayey ajande ah muddo kordhin loo sameeyo xukuumaddii Daahir Riyaale. Go’aanka muddo kordhinta oo sumadiisu ahayd GG/JSL kal-fadhi 35-aad, go’aan Lr 04/2008-dii, soona baxay 13-kii Abriil 2008-dii, ujeedada kal-fadhiga ayaa ahayd muddo kordhin. Waxa madasha fadhiyay 65 xildhibaan oo guurti ah, waxa la gudo-galay cod u qaadistii, waxa ogolaaday 61 xubnood, waxa ka aamuusay 3 xubnood, waxaana diiday 1 xubin ah.Sidaasi ayaa xukuumaddii Riyaalae loogu kordhiyay ilaa 6-aad may ee sannadka 2009-ka.
Muddo-kordhinta Afraad ee 2009-kii:
Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa soo dalbay muddo kordhin dambe, balse wuxuu si xeeladaysan u soo dhigay muddo kordhin loo sameeyo. Warqada dalabka ah ee Madaxweyne Rayaale soo qoray ayuu ku sheegay in la is-waafajiyo xilliga ay Guddiga Doorashooyinka u qabteen inay doorashadu dhacdo iyo sidii xukuumadda sharci kursiga ugu fadhiyi lahayd.
Laakiin, Golaha Guurtida ayaa dalabkaasi kal-fadhi ka yeeshay, waxaana soo xaadiray 79 xubnood ka dib waxa la gudogalay cod u qaadis gacan taaga ah ee muddo kordhinta, 42 xubnood ayaa ogolaaday, 35 xubnoodna way diideen. Sidaasi ayay ku ansaxday muddo kordhintii labaad..
Labadaas goor ee Guurtidu u kordhisay Madaxweyne Daahri Riyaale waxay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad, firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada oo ay ku sababayeen nabadgeliyo darro awgeed iyo inaanu dalku ku dhicin bilaa dawlad.
Muddo-Kordhinta Shanaad ee la filayo 2015-ka:
Muddo-kordhintan waxay toos isugu mid yihiin tii ugu dambaysay ee loo sameeyey Madaxweyne Daahir Riyaale sannadkii 2009-kii. Sida maanta dhacday waraaqda uu Madaxweynuhu qoray ayaa golaha la horkeeni doonaa waxaana laga hor-akhriyey golaha ka dibna cod ayaa loo qaadi doona. waxay u cuskan doonaan qodobka Dastuurka ee 83-aad, firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada. Sidaasi ayey ansax ku noqon doontaa.
Bulshada Somaliland:
Inta badan bulshada Somaliland waxa ay diyaar u yihiin inay doorasho u dareeraan halka qaar kalena ay ku laabisanyihiin inay la jiraan xukuumadda haatan tallada dalka haysa ee uu hoggaaminayo Md Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo). Qaybaha bulshada ayaa kala aragti duwan, sababtoo ah waxa kala jiitay xisbiyada asxaabta qaranka ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo aynaan odhan karin waxa ay ka madhanyihiin qabyaalad, marka la eego qaab-dhismeedkooda guud iyo ka gudeedba..
Beesha Caalamka:
Somaliland waxa arrimaha doorashooyinka ka taageera beesha caalamka sannad kasta, muddo kordhin loo sameeyo xukuumada Axmed Siilaanyo tiroba dhawr jeer ayay ka hadleen dhawrkaa jeer way ka digeen in muddo kordhin timaad. Aan soo qaato baaq ay si wada jir ah u soo saareen Metalayaasha beesha caalamka iyo guddida jihaynta dimuqraadiyaynta kaasi oo ka koobnaa saddex qodob oo ay kaga digayeen muddo kordhin loo sameeyo xukuumada Axmed Siilaanyo.
1. Bulshada Caalamku waxa ay soo dhawaynaysaa muddaynta ay sameeyeen guddida doorooshooyinka qaranka Soomaalilaan in ay qabsoonto diiwaangelinta codbixiyuhu iyo xilliga dooroshooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ee june 1, 2016. Waxa aannu ku ammaanaynaa guddida dooroshooyinka qaranka ku adkaysashadooda awooddooda dastuuriga ah ee ay ku muddeeyeen xilli-doorasheedda doorashada madaxtooyada iyada oo ay ku tiirsan tahay hab farsamo.
2. Bulshada Caalamku waxa ay si joogto ah ugu faraxsan tahay una dhiirrigelinaya in ay maqasho in dhammaan dhinacyada xisbiyadu raaceen xilli-doorasheedda ay cayimeen guddida doorashooyinku. Booqasho dhawaan ay ku yimaaddeen Hargeysa ayay xubno ka tirsan beesha Caalamku kula kulmeen muunad ka tirsan dhinacyada uu go’aanku ka go’o (Madaxwaynaha, xisbiyada oo idil iyo Guurtida) si hoosta looga xariiqo baahida loo qabo is afgarasho siyaasayeed oo sahlaysa dhammaystirka hannaanka diiwaangelinta codbixiyaha iyo hubinta in dhicista doorashada ee june 1, 2016. Wax kasta oo dib u dhac ah, oo aanay keenin sababo farsamo, waxa ay wiiqi doontaa kalsoonida guud iyo tan caalamiga ah ee lagu qabey dimuqraadiyaynta Soomaalilaan.
3. Bulshada Caalamku waxa ay diyaar u tahay in ay taageerto hannaanka dimuqraadiyaynta Soomaalilaan.
Beesha caalamku waxa ay si hoose iyo mid sareba uga digta muddo kordhi ka badan wakhtiga ay cayimeen komishanka doorashooyinka Somaliland wallow wallaaca ay ka qabaan kuu muujinayo inay muddo kordhini imanayso.
Weriye Khaddar Nuux Yoonis
knyonis@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.