Somaliland: Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukuntay Nin Jar-jaray 500 Oo Geed

0

Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa soo gaba gabaysay dacwad nooceedu ku cusub yahay dalka. Maxkamada gobolka Maroodi jeex ayaa dacwadan ku soo gaba gabaysay goobtii danbigu ka dhacay oo ah dhul daaqsimeed ku yaala tuulada Qori-jabley ee degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodi Jeex.

Dacwadan ayaa u dhaxaysay wasaarada deegaanka iyo horu marinta reer miyiga iyo muwaadin ku eedaysnaa inuu jar jaray dhir tiradeedu tahay 500 oo geed oo iskugu jira dhirta loo yaqaano galoolka iyo qudhaca.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex oo garsoore ka ahaa dacwadan ayaa go’aansaday in dacwada lagu qaado goobtii danbigu ka dhacay oo ah dhul daaqsimeed uu eedaysanuhu sheeganayey, waxaana dacwadan dhibane ka ahaa oo matalayey wasaarada deegaanka ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana dacwadan goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan wasaarada deegaanka oo uu hogaaminayey agaasimaha guud Maxamed Cilmi Xuseen.

Eedaysanaha dacwadan loo haystay oo lagu magacaabo Cabdilaahi Haaruun Aadan oo dadiisu tahay 33 jir ayaa waxa uu maxkamada horteeda ka qirtay danbiga lagu soo oogay.

Ugu danbayna waxa uu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi jeex oo garsoore ka ahaa dacwadan Maxamed Dalmar Ismaaciil uu ku xukumay eedaysane Cabdilaahi Haaruun Aadan xadhig sadex sano ah oo aan lahayn iib iyo cafis toona iyo lacag dhan sadex milyan(3,000,000) oo shilinka somaliland ah iyo sidoo kale in marka uu xadhiga dhamaysto ka beero dhulkii uu dhirta ka jar jaray 100 geed.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.