“Somaliland madaxweynuhu Lix bilood Kursiga kuma gaadho” Xil- Dheeg

0

Hargaysa(Sayruuq)-Xildhibaan Maxamed Maxuud (Dheeg),oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland,ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo xasiloonida ay kusoo caano-maaleen.

Xildhibaanka oo maanta Xarunta Baarlamaanka kula hadlayay Warbaahinta,ayaa sheegay in aanay shabigu ahayn dad ninka siyaasiga ahi uu siduu doono u jiheeyo.isaga oo intaas raaciyay in aan kursiga dalka ugu sareeya aan muddo yar lagu hananin :“Horta kolka hore,shacbigu maaha wax qof meel u jooga,oo qofku kolba waxa uu doonayo ku isticmaalo. Shacbigu caqli buu leeyahay,garaad buu leeyahay”. Ayuu yidhi xil. dheeg

Waxaana uu nasiib-darro ku tilmaamay in Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,uu waxii uu kula heshiiyay Xisbiyadda iyo Xukuumaddaba uu hadana kaga baxo”Xisbiyadda,komishanka iyo dawladuba waxay isla qaateen in aanay doorashaddu wakhtigeedii ku qabsoomayn. Golaha guurtidda maxaa loo geyanaayaa waxii lagu heshiiyay Ninka leh waan ka mudahaaradayaa,waxaan leeyahay wax laguu sheegay maantaakaga la kaasho”.

Ugu dayntiina waxa uu bulshadda xasuusiyay nimcooyinka allah ku galaday ee ay haatan ku jiraan “Nabad galyo ayaad haystaan.gu’gii iyo raxmadii ayaa imika inoo curatay. Somaliland madaxweynuhu Lix bilood kuma gaadho”.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.