Somaliland Ma Dhaafi Kartaa Waddada Oodanay Afka Saartay?! Maxamed Baashe X Xasan

0

Somaliland su’aalaha horyaalla waxa ka mid ah jiritaankeedii ummadnimo iyo qarameed ma sii socon karaa oo ma la sugi karaa Somaliland is haysata oo midnimo ku naalloota; qaran iyo dad ahaan ba?

Taas ka horjeedkeeda, waxa wadnaha farta lagaga hayaa in ay u kala firidho sidii adhi weere galay. Tani saadin belaayo iyo shar doonnimo ma aha ee waa “khayr wax kuma yeelo, ee shar u tooga hay”! Waa welwel, walbahaar iyo walaac uu waayaha jiraa ku soorayo garaad kasta oo fekeraya, caqli kasta oo gorfayn ku hilaadin kara waxa jira iyo waxa ka dhalan kara cidhib dambeed ahaan.

Haddii uu sii socda dareenka taban ee xoogga dhexdeena ku leh ee ah “waxa aynu nahay reero wax isku darsaday oo reeronimadaas wax kaga dhexeeyaan” waxa hubanti ah in aynaan qarannimo weligeen hanan kari doonin, goor ay noqotana in reeruhu iska hor iman doonaan, oo ku kala dhaqaaqi doonaan waxa ay is moodsiiyeen in ay isku darsadeen ee ka dhexeeya!

Nidaamka beelaha haddii wax lagu yagleelay xilligii adkaa ee colaadaha iyo dagaallada sokeeye laga soo doogay, waxa ay ahayd in qarannimo looga sii gudbo oo qabiilka iyo qarannimada la kala saaro, illayn labadu ma wada noolaan karayaan oo xafiisku kama dhaxayn karo eh.

Haddii garaadku shaqeeyo oo loo fekero si togan oo wax-ku-ool ah, madaxna bannaan oo xor ah waxa kuu soo baxaysa in nidaamka qabiil ee wax lagu dhisay uu isaga laftiisu dumin karo waxaas lagu dhisay oo uu cadow u yahay.

Tusaale haddii 1991 iyo 1993 Burco iyo Boorame loo wada dhammaa wada yeelashada Somaliland oo beeluhu wada yagleesheen 25 sannadood ka dib, waxa isa soo taraysa in wada yeelashadaasi sii shiiqayso ama degaannada qaar aanay biyo-dhigin ba oo ay sheekobaraley agtooda ka ahayn, cid u rumaysana aanay il baal ka qaadin, cid sii fogaysa mooyaane.

Qaybaha ugu badan ee bulshada Sool iyo Sanaag Bari way sii durkayeen, illaa in badani fogaadeen maanta oo ay geeri ka xigaan in ay wax la yeeshaan beelo kale oo Somaliland magac ah sita.

Waxa kale oo dareen tabani mar kasta ka oognaa Awdal oo Somaliland aanay in badani laabta u sii dayn, dareenkaas oo maantadaa qoyan isna carcarihiisa qaba oo taagan.

Beelaha dhexe oo ahaa isirkii ugu weynaa ee yagleelka Somaliland dabada ka riixayey ayaa u kala qubtay oo maanta u kala yaalla reero, jilibbo iyo raasas ooduhu u kala rogan yihiin oo aan dabka kala qaadan.

Calaamadahan oo dhami ma aha wax cusub ee waa dhaqankii iyo geddii lagu yiqiin ee laga fili karayey nidaamka qabaliga ah iyo noloshiisa. Waa reero oo dhul iyo mabaadiyi kama dhexeeyaan ee waxa ka dhexeeya tolliimo iyo hiilo ka dhaxaysa hadba intii dhiig wadaag leh ama hab is gaashaan-buuraysi leh.

Xafiiskii dawladeed ayaa waxa isugu yimi laba ama in ka badan oo ah dad ka soo kala jeeda beelo aan dhiig iyo is bahaysi wadaag ahayn.

Waa kuwaas isku haysta ee ku dagaallamaya. Xafiiskii iyo wasaaraddii waxa ay noqdeen meel had ba ninka ka madaxda ah uu reerkoodu leeyahay.

Madaxtooyada iyo dawladdeenna waxa mar na leh oo loo nisbeeyaa qolo guud oo Isaaq la yidhaahdo, mar kale na reer hoose oo Habarjeclo la yidhaahdo. Waa dhab taasi waa xukuumad kasta waxa loo aaneeyaa in reer leeyahay ama reero ka xigaan kuwa kale, ta dhalan doontana waa sidaas haddii aan tubtaas iyo garashadaas wax laga beddelin.

Intu ba waa xaqiiqo jirta haddii aan la is yeel yeelayn oo waaqaca horteenna yaalla ka dhex muuqda.

Mas’uulku Somaliland uma qoolna xilkiisa iyo waxa uu mas’uulka ka yahay, oo cidi ka la ma xisaabtami karto wax kasta oo uu bi’iyo, waa waa nin reer hebel u jooga, oo qarannimadii la isku darsaday u metela, haddii la soo qaado waldays (ul ama budh) ayaa ciddii wax ka sheegta lagu la soo haadayaa. Haddii uu duray qaado waa laga wada daba qufacayaa.

Sifada qof xil loogu dhiibaa waa reer hebelnimadaas lafteeda ee ma aha aqoontiisa iyo xirfaddiisa qofnimo. Aqoon iyo xirfadi ba qiimo-soorka ama qiyamta kuma jiraan oo meel kuma laha. Waa wada maan gurracan iyo garasho jaan. Maqluubkay maskaxdu u fekertaa.

Waxa taas la mid ah in aanu muwaaddinku xaq iyo xuquuq ba lahayn si la mid ah sida marka uu dembi galo aan loo la xisaabtami karin. Labada jeer ba waa reer hebel waxa wax lagu qiimaynayaa. Codkaaga iyo hankaagu ba waxa ay u xidhan yihiin reer hebel oo sidii ay cuqaashu ku arrimiyaan waa in aad yeeshaa. Dsiyaasiga iyo aqoonyahanku waxa ay hayaan xilkii cuqaasha ee maaha dad nolosha doorar iyo kaalin ku leh.

Siyaasiga Somaliland waxa fekerkiisa, garaadkiisa, dareenkiisa iyo ficiladiisa ba qaabeeya oo sameeya salaadiinta beeshiisa iyo qabyaaladda ama qabiilka iyo taxaalufaysigiisa, bahaysigiisa siyaasiga ah. Axsaabteenna iyo noloshooda siyaasadeed ba dheeho. Waa qabaa’il iyo qabyaalad dhismahoodu. Qaarkood waxa bay u dhisan yihiin si u eg habraaca islaamuhu ay haqbadda isugu darsan jireen oo reero ayaa hagbadaysanay, oo sidaasi in ay sax tahay ku tagsan oo aaminay.

Ma jiro ama waa faro-ku-tiris siyaasi ama hoggaamiye ina hor keeni kara qorshe iyo barnaamij siyaasadeed oo leh himilo, higsi iyo ujeeddooyin qarameed oo ka turjumi kara baahida iyo tabashooyinka qaran ee jira: Kala daadashada garashadii ummadnimo, dhaqaalaha sii hagaasaya, shaqo la’aanta iyo saboolnimada sii baahaysa, tayada la’aanta inta la haysto ee waxbarasho leh, caafimaad leh, waddo iyo jid la maro leh, biyo leh, daryeel naf iyo nool leh, garsoor iyo caddaalad leh, han iyo hirasho leh, aqoonsi dibadeed iyo xidhiidh caalami leh, ee intan in kale ba leh. Waxa siyaasiga kaga gudban garshada reernimo ee wax kasta kala weyn oo iyada uu marna kula eertaa oo la hoos galaa dunaabtiisa iyo dhalliilihiisa, mar kalena uu taageero iyo cod ka durraantaa.

Halkanna waxa habaas ku dul fuulay distoor, sharci iyo qaanuun oo dhan oo waxa loo gacan galay kaymihii dabar iyo seeto la’aanta. Sigaasigeenna iyo mas’uulkeennu ba waa “awr dabar la’aan dhacay”! dembi ma qabto, xaal na ma qabto, wax ba ba ma qabtaan.

Ma jiro muwaaddin xil laga la xisaabtamaa saraan yahay, ma na jiro muwaaddin leh xaq iyo xuquuq. Maxaa markaas qanuun iyo sharci looga baahan yahay?!

Haddii sharci iyo qaanuun la raacaa wax ba agteenna ka noqon waayeen oo dawladnimadeennu ka maarantay, oo aynu ka doorbidnay xeer jajabkii qabiilooyinka iyo taxaalufkoodii, is garabsigoodii iyo is gaashaan-buuraysigoodii ku salaysnaa iska caabbinta iyo muquuninta qolooyinka kale, waxa aynu gawrac ugu jiidnay oo aynu god dad liq ah oo gun dheer iyo dalluun ku hubsanaynaa qarannimo inoo hanaqaadda iyo isirradeedii, waxa na aynu horseednay raacidda jid qardajeex ah oo qodxaan badan oo burbur, danni iyo is waa’ miidhan ah.

Ma sii wada noolaan karaan qabiilka iyo qarannimada kursiga xafiiska dawladeed ku wada fadhiyaa?

Ma kala saari karnaa qabiilka iyo qarannimada xafiiska dawladeed sidii Reer Yurub ugu guulaysteen in ay kala saaraan Kiniisadda iyo Dawladda markii ay wada noolaan kari waayeen dhawr weyn oo qarni ka hor?

Ma abuuri karnaa qaran walaaleeya qabaa’ilka oo dhan sidii Diinta Islaamku Jasiiradda Carbeed ka dhaqan gelisay soo if-baxeedii?!

Sidee ayaynu ugu gudbi karnaa “qafla baabayntaas” qarannimadii afka saartay?

Miyaynaan gaadhin wakhtigii la is waydiin lahaa, laga fekeri lahaa hoggaan leh karti, garasho, aqoon, daacadnimo iyo hufnaan oo dejin kara, abuuri kara, inaga iibin kara, oo soo bandhigi kara qorshe iyo barnaamij siyaasadeed oo la noolaan kara bugtadeenna, oo dabiib u raadin kara xannuunadeenna iyo dhibaatooyinkeenna ina barriinsaday. Hoggaan (koox) leh han iyo himilo qaran, higsi iyo ujeeddooyin fulineed oo aan afka baarkiisa ahayn, u qoolan mas’uuliyaddooda, isirradii maamul wanaaggu iyaga iyo dhaqankooda ka muuqdaan, oo sharciga iyo qaynuunku dabbaalaan oo xidhaan. Hoggaan isu soo taaga gobollada oo dhan isaga oo aan reero ahaan iyo qabyaalad ku beerlaxawsanayn oo wax kaga doonayn, hase yeeshee wax qabad iyo qorshe wax kaga iibinaya oo cod kaga doonaya. Haddii hoggaankaas la helo xisbigii uu doono ba sallaan ha ka dhigto’e, waxa aan u arkaa in Somaliland ka gudbi karto waddada oodanta ah ee ay shafka ku hayso maanta.

Maxay kula tahay?

 

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

facebook.com/baadisooc

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.