Somaliland Imisa Ayey Ku Jabtay Go’aamo Aan Laga Fiirsan Oo Qiiro Ku Dhisan

0

Todobaadkii hore Hotel-ka Maansoor waxaa laga furay shir muhiim ah oo ujeedadiisu ahayd in lagu dajiyo siyaasada cusub ee wasaraada waxabrashada JSL sanadaha soo socda.

waxa isugu yimi aqoon-yahano tiro badan iyo xeel dheerayaasha bahda waxbarashada si loo tuujiyo maskaxda gaaxatay ee qaybcadamiaha kala duwan ee aqoon-yanada Somaliland. In kasta oo uu shirku socday mudo gaaban oo saddex maalmood ah hadana waxa laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo lagu hawl galo mustaqbalka. Waa talaabo fiican oo wasiirka cusub lagu amaani karo iyo cid kasta oo maal ama maskax kaga qayb gashay qabsoomida iyo habsami u socodkii shirka. Hase ahaatee sida caadada inoo ah shirka lagama ilaalin soo jeedimaha hanfaduhu ku soo dhex tuuro shirarka noocan oo kale ah oo markiiba si deg deg ah loo la boodo ama markiiba laga dhigo go’aan rasmi ah.

Hadaba fekrada sida lama filaanka ah madasha loogu soo dhex tuuray waxaa ka mid ahaa in dugsiyada hoose/ dhexe af-soomaali wax lagu baro; kama soo horjeedo in wax lagu barto afka hooyo laakiin waxaa ka horeeya in la sameeyo daraasad cilmiyeysan si loo ogaado suurto galinimada iyo saamaynta is badalku la iman karo iyada oo laga eegayo dhincyo badan sida dhaqaalaha ku bixi kara, agabka kala duwan ee waxabrashada, macalimiinta, iyo psychology-ahaan u diyaar-garawga marxalada kala guurka.

Dhanka kale dooda aqoon-yanahda qaarkood waxaa ka mid ahaa in luqadaha ajinabigu ku adagtay caruurta Somaliland, waxase aragtidaa beeninaya cilmi baadhis casri ah oo lagu ogaaday in ardayda yaryar ee dugsiyada hoose/dhexe ay si fudud u baran karaan 5-6 luqadood. Khubarada cilmi baadhistan sameeyey waxay tusaale u soo qaateen caruurta wadamada ururka reer Yurub (EU-da) oo loo yaqaano “Euro kids” kuwaas oo si la yaab leh u barta afafka inta badan dalalka xubnaha ka ah EU-da oo leh xuduudo isku furan oo si xor ah lays-kaga gudbo .

Hadaba caruurteenu kama garaad hoosayso kuwa reer Yurub sidaadaraadeed waxay wax ku baran karaan luqado tiro badan oo ajinabi ah; isla markaa ardayda afka Soomaaliga wax ku barta kama aqoon fiicna kuwa afka Carabiga ama Ingiriisiga wax ku dhigta sida dadka qaarkood qabaan. Geesta kale afka Soomaaliga waxa la qoray dhawaan, waxa loo qoray si qarbo-qarbo ah isaga oo wali taabo gelina wuxuu la burburay dawladii Soomaaliya sidaas awgeed afka Soomaaligu ma gaadhin mana gaadhsiina heer la saxar tiray oo gundhig looga dhigi karo waxbarashada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta qaranku waxay dadweynaha isku tusaan inay yihiin rag iyo dumar wadaniyadu biyo dhigatay markaas ayey soo saaraan go’aamo xagjir ah oo lagu jabo oo dalka waxyeelo u keeni kara ama khilaaf abuuri kara, halkaa kuma eekaadaan waxaad arkaysaa hadana iyaga oo qaranimadii ka tagay oo u ololayna qabiil. Marka diinta lag hadlayo dhamaanteen waxaynu nahay culimo seef la bood ah, marka goobta laga soo baxana ma lihin iiman.

Bal u fiirso tusaalahan kale iyo doodaha lagu gorfeeyo xaqiijinta qadiyada madax banaanida Somaliland iyo xamaasada ka muuqata iyo hadana sida ay madaxdu aanay ugu heelaynan; si kale haddii loo dhigo wadaniyadeenu waa dhalanteed, diinteenu waa ku muraadso, qaranimadeenuna waa ku meel-gaadh.

Gabogabo: wasiirka iyo madaxda kale ee wasaarada waxaan u soo jeedinayaa in mashruuca gacanta loo taagay ee ah in af-soomaali ardayda wax lagu baro iyo kuwa kasta oo la soo jeediyba aad looga fiirsado ama si wayn looga baarandego ka hor inta aan loo gudbin golaha wasiirada. Mar kale madaxda qaranka waxaan u soo jeedinayaa in aan lagu daalin tayeynta waxbarashada Somaliland haddii aan xaqiiqada la waajihin oo si dhab ah aan loo abaarin duruufaha ku xeeran macalimiinta dugsiyada dawladu maamusho.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.