Somaliland :Heerka Ay Ka Gashay 195 Waddan Oo la Qiimeeyay Halbeegooda Dawladnimo

0

HARGEISA(Sayruuq)-“Dowladda Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxay sii waddaa jawaabaha culus ee ay ka bixinaysay dhaliilihi loo jeedin jiray sannadkii 2014. Waxa sii socda xidhista suxufiyiinta. Waxa jira khilaaf ka dhex-aloosan xisbiga Nabadda, midnimada iyo horumarka (Kulmiye). Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxay ka deyriyeen inaanay xukuumaddu ixitiraamayn shuruucda doorashooyinka, waxaanay ku eedeeyeen in maamulku dib u riixayo diyaar-garowga doorashooyinka, gaar ahaan diwaangelinta codbixiyeyaasha,” Sidaas waxa lagu bilaabay wabixin-sannadeed lagu qiimeeyo heerka Madax-bannaanida Xorriyatul-qawlka, ku-dhaqanka dimuqraadiyadda iyo madax-bannaanida bulshada.

 

Urur caalami oo lagu magacaabo Freedom house,oo sannad kasta soo saara warbixin uu kaga hadlo heerarka waddamada adduunku ka marayaan nidaamka Ismaamulka, ku-dhaqanka dimuqraadiyadda, xoriyatul-qawlka, xuquuqal Iisaanka iyo heer-nololeedka bulshooyinka, ayaa soo saaray warbixin xambaarsan qiimayn uu ku sameeyey 195 waddan oo caalamka ah.

Qiimeynta ururkani sameeyey oo halbeeg looga dhigay tirooyin u dhexeeya 1 ilaa 7 oo lagu jaan-gooyey heerarka waddan kasta ka taagan yahay Xuquuqaha Siyaasadda iyo xorriyaadka bulsheed, iyadoo eray bixinta loo adeegsaday qiimeynta warbixin-sannadkeedka Freedomhouse, ayaa laga soo dheegtay mabaadiida aasaaska u ah xuquuqda bani’aadamka ee Caalamiga ah, iyadoo lagu saleeyey dhismaha dowladnimo ee waddan kasta isla markaana aan loo eegayn qaaradda waddankaasi ku yaallo, qoomiyadaha ku nool iyo Diimaha ay aaminsan yihiin.

 

Labada Qodob ee qiimeynta warbixintan lagu saleeyey oo kala ah Xuquuqaha Siyaasadda iyo Xoriyaadka Bulshada oo qaybo kala duwan loo qeybiyey, ayaa lagu saleeyey halbeegyo tirooyin ah oo u dhexeeya 0 ilaa 40, kuwaas oo ka turjumaya sida waddankaas loogaga dhaqmo.

 

Cilmi-baadhista lagu saleeyey qiimeynta warbixintani xambaarsan tahay, ayaa lagu sheegay inay ka qayb-qaateen khubaro ka tirsan Ururka Freedomhouse, khubaro madax-bannaan, siyaasiyiin si weyn looga yaqaano caalamka iyo ururrada Xuquuqda bani’daamka. Waxa kale oo waxyaabaha cilmi-baadhistani ku salaysan tahay lagu sheegay tixraacyo laga soo dheegtay warbixinno ay diyaariyeen shakhsiyaad ka faalooda arrimaha siyaasadda, xuquuqal Iinsaanka, xorriyatul-qawlka waddamada caalamka, xigashada wararka warbaahinta, warbixinnada ay soo saaraan ururrada aan dowliga ahayn iyo shakhsiyaadka takhasus u leh qodobbada warbixintani xambaarsan tahay oo wax laga weydiiyey.

 

Somaliland iyo Warbixinta Freedom House

 

Qiimeynta ururkani ku sameeyey Somaliland oo saldhig looga dhigay heerka ay gaadhsiisan yihiin Xuquuqaha Siyaasadda, ka qayb-galkeeda, dowladnimada iyo sidoo kale Xorriyaadka ay xaqa u leeyihiin inay helaan qaybaha bulshada ee siyaasadda ka madax-bannaan, ayaa guud ahaan muujinaya inay Somaliland ka fiican tahay waddamo badan oo Caalamka ka tirsan.

 

Xuquuqaha Siyaasadeed (Political Rights)

 

Xuquuqaha Siyaasadda ee ka jira Somaliland oo loo kala saaray saddex qodob oo kala ah Hannaanka Doorashooyinka, Ka qayb-qaadashada Siyaasadda iyo Sida ay Dowladnimadu u shaqayso, ayaa lagu qiimeeyey derejo ah 21/40 oo ka dhigaan in dabaqaadda qodobbani meel-dhexaad ka yihiin Somaliland. Nidaamka doorashooyinka ee Somaliland, ayaa qiimeyntan ka galay heer ka soo hooseeya kala badh halbeegga tirada ah ee loo adeegsaday, halka qodobka ka-qayb-qaadashada siyaasadda lagu sheegay inay Somaliland waddamo badan kaga wanaagsan tahay. “In kastoo gobolladu go’aamiyaan xisbiyada, qabiilku farsamo ahaan waa ka mabnuuc, balse waxa dhacda in mararka qaar ay is-khilaafaan nidaamka Xisbiyada iyo Qabiilku. Dastuurka Somaliland waxa uu xaddidayaa ugu badnaa inay jiraan saddex Xisbi oo la aqoonsan yahay,” Sidaas ayaa lagu sheegay qaybta warbixinta ee lagaga hadlay nidaamka loo dhan yahay ee qayb-galka siyaasadda.

 

Qodobka saddexaad ee qaybtan oo ka hadlaya Dowladnimada iyo sida ay shaqayso, ayaa iyadana lagu qiimeeyey mid meel dhexaad ah.

 

Xorriyaadka Bulsheed (Civic Liberties)

 

Qodobkan oo koobsanaya xaqa qofku u leeyahay inuu si xor ah u soo bandhigo fekerkiisa, is-abaabulka iyo jiraan ururro lagu midaysan yahay iyo kuwa xuquuqda bani’daamka, kalsoonida nidaamka garsoorka, waxa ay Somaliland ka geyshay meel ka hoosaysa kala-badh halbeegga loo asteeyey (25/60) qodobkan.

 

Xorriyadda Fekerka, ayaa lagu sheegay qiimeynta inay Somaliland ka marayso meel-dhexaad, iyadoo si gaar ah loogu soo qaatay tacaddiyo warbaahinta madaxa-bannaan kala kulantay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. “Walow Dastuurka Somaliland dammaanad-qaaday Xoriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida saxaafadda, xuquuqahani waa qaar kooban oo si gaar ah loogu dhaqmo. 11 Wargeys oo madax-bannaan iyo saddex telefishan oo gaar loo leeyahay, ayaa ka hawl-gala Somaliland, laakiin labadan qaybood iyo suxufiiyiintu waxay si joogta ah hadidaad iyo farogelin ugala kulmaan xukuumadda.” Sidaas waxa lagu sheegay warbixin-sannadeedka Freedom House.

 

Jiritaanka Ururrada Xuquuqal Iinsaanka iyo Shirarka ay qabsadaan shakhsiyaadka bulshada ee ka soo horjeeda xukuumadda, ayaa lagu qiimeeyey drejo aad u hoosaysa oo ka yar kala badh halbeegga loo asteeyey (5/12).

 

Qodobka saddexaad ee qaybtan oo ka haldaya u hoggaansanaan Sharciga iyo kalsoonida Cadaaladda, waxa lagu sheegay inay aad u yar tahay miisaaniyadda loo qoondeeyey nidaamka garsoorka Somaliland madax-bannaani aanu helin, isla markaana aanay maxkamadda sare si firfircoon u shaqaynin. Qodobkan ayaa meel dhexaad (7/16) ka galay qiimeyta warbixinta. “Ciidamada Ammaanka iyo Booliska Somaliland waxa lagu eedeeyaa inay isticmaalaan awood xad-dhaaf ah. warbixin ay soo saartay HRC sannadkii 2014, waxa lagu xusay awood xad-dhaaf ah iyo garaacis boolisku adeegsadaan. Saldhigyada Boolisku oo loogu talo-galay 48 saacadood qofka in lagu hayo, waxa loo isticmaalaa Xabsiyo muddo dheer.” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixintan

 

Qodobka afraad ee Qiimeynta Xorriyaadka Bulshada Somaliland ee warbixintani xambaarsan tahay oo lagaga hadlay xuquuqda qofka, ayaa lagu qiimeeyey halbeeg ah (6/16), taas oo muujinaysa wax ka hooseeya kala-badh heerka halbeegga caadiga ee qiimeynta loo adeegsaday.

 

“Fursadaha ganacsigu way xaddidan yihiin, heerka shaqo-la’aantuna way sarreysaa, waana dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 34. Qiyaas ahaan boqolkiiba 63 ragga iyo boqolkiiba 80 dumarku waa shaqo la’aan. Bishii October ee sannadki 2014, boqortooyada Ingiriiska iyo Somaliland waxay wada-jir u qabteen shir lagu dhiirri-gelinayo ganacsiga iyo maalgeshi lagu sameeyo dalka. Boqolkiiba 50 dhalinyarada Somaliland ayaa bil kasta ka tahriiba. Dowladda Somaliland oo taas ka hortagaysaana waxay u samaysay waax ku takhsustay baadhista iyo daba-galka dadka wax tahriibiya oo maamul ahaan ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixintan.

 

Si kastaba ha ahaatee, qiimeynta ay xambaarsan tahay warbixinta ururka Freedomhouse ka diyaariyey Somaliland, waxa ay soo bandhigaysa inay Somaliland ka mid tahay waddamada meel-dhexaadka kaga jira ku-dhaqanka Xorriyaadka bulshada iyo Xuquuqaha Siyaasadda.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.