Somaliland: Hargeysa iyo Xusuusta Xuska 26-ka Juun ee 1991

0

Hal-qabsi:

“Ma Duugowdo Taariikhdu Mana Guurto Taariikhdu”

Waa Murti Hore.                                              

Muddo bilo ah kadib markii la xaqiijiyey dib-u-xoreytii Somaliland kadib halgan qadhaadh oo uu horseed ka ahaa urur-halgameedkiiDhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM, waxa loo dabbaal-degay kow iyo soddon guuradii xorriyad Soomaali hesho middii ugu horraysay ee maxmiyadii Ingiriiska, waa 26kii 1960 (British Somaliland Protectorate). Hargeysa waxay ahayd maalintan mid aad uga duwan muuqaalkii ay xorriyada ku hantiday (26kii Juun 1991ka), xilligaas Hargeysa waxa ku dhacay hallaagii adduunyada, waa la burburiyey, la baabiiyey, waa la bililiqeystay, waxaana buux dhaafiyey gudaheeda in ku dhow 50% masaafada ay ku fadhido hadhaaga walxaha qarxa iyo miino ay ku aaseen kuwii burburiyey oo uu maluhu ahaa in ay cadow Soomaaliyeed ka difaacaan, balse u adeegsaday awooddii ay ku difaaci lahaayeen in ay ku burburiyaa, kuna halaagaan CAASIMADII XORRIYADA SOOMAALIDA-Hargeysa-.

Maalintan in farxadda in la xuso xorriyadii ugu horreysay ee Soomaali hesho ka sokow, Hargeysa waxay ku ciidday naruuro rajo oo hor leh, waayo, dib ayaa loo xorreeyey, lagana xorreeyey Soomaali cadow ku noqotay wax kasta ay is moodsiiyeen inuu baabiinteeda ka qaybgeli karo waa ay u adeegsadeen. Sidaasi mid ka horjeeda CAASIMADA XORRIYADA SOOMAALIDA, dadkeedu waxay u hureen wax kasta oo qiyaaseen in ay ku furan karaan waxaana lagu waayey nafta qaaliga ah ee geesiyaal badan oo naftood hurayaal ahaa, kuwaasi oo si isdaba-joog ahayd u soo galay halgan hubaysan 1981-1991kii, khasaare kasta oo la mutay, guushii waa la gaadhay waxaana lagu soo afmeerey guddoonkii go’aankii shirweynihii beelaha Somaliland ee 18kii May 1991kii iyo madashii magaalada Burco.

Haddaba, fantasiyahii farxada dabaal-dega 26ka Juun ee 1991kii, waxaa khudbad qiimo leh u jeediyey ummaddahalgamaagii, hoggaamiyihii iyo dhaqaaleyahankii weynaa ee geeriyoodey 2011kii (AHUN) Muj. Ibraahim Meygaag Samater. Khudbadaasi waxa uu u mariyey dadweynaha Raadyow Hargeysa oo markan si quwad leh u danani jirtay. Waa khudbad aan xasuusto maalinta 26ka Juun mar walba marka la gaadho. Waa khudbad saacad badhkeed socotay waqti ahaan. Waa khudbad aad muhiim u ah oo ay fiincan tahay in lagu cel-celiyo mar walba si dhaxalgal looga dhigo da’ yarta maanta oo kale. Waa khudbad uu si duur-xul ah Hargeysa ugu hiiliyey, uguna sharxay sida ay nasiib-daradu ugu dhacdey CAASIMADA XORRIYADA SOOMAALIDA. Ayaan-darrada dhacday, iyada oo abaal looga dhigay in la isku dayo in la tirtiro Hargeysa dad iyo duunyaba, balse ay ku jabeen kuwii isku dayga sameeyey.Muj. Ibraahim Meygaag waxa uu si farshan leh isbar-bardhig ugu sameeyey muuqaalkii maalintii xorriyada la qaatey ee 26kii Juun 1960kii oo uu arday ahaa iyo midkan 26kii Juun 1991kii oo dib loo xorreeyey iyo isaga oo tilmaamey caasimadaha ay la faca tahay; kuwa Geeska Afrika, bariga iyo badhtamaha Afrika iyo guud ahaan Afrikada madow. Muj. Ibraahim Meygaag waxa uu si mug leh u qeexayaa sida qumman ee ay Hargeysa u aar-goosan doonto; waa caddaalad, waa horumar, waa hufnaan iyo wada noolaansho, waa horseedka dhinac walba oo ay hormuud ka tahay Caasimada Xorriyadii Soomaalida ee Hargeysa.

Xasuus kale oo xusid mudan waa khudbadii ugu dambeysey ee Madaxweyne M. I. Cigaal (AHUN) uu fagaaraha Kheyriyada Hargeysa ummadda uga jeediyey, waa dabbaal-degii 18kii May 2001da. Madaxweyne Cigaal waxa uu si xeeldheeri leh u hillaadinayaa sida Caasimada Hargeysa isu-beddeli doonto labaatan guuradeeda, iyada oo maalintaas toban jirsatay “Somaliland maalinta ay labaatan jirsato maanta waa toban jirsatee, ANIGU MA IDINLA JOOGI DOONO EH, HARGEYSA waxay yeelan doontaa cimaaradaha dhaadheer ee Dubaay iyo Abudhabioo kale”. Maalintaa waxa uu Madaxweyne Cigaal mamnuucey gebi ahaan dhoolla-tuska ciidammada qalabka sida isaga oo si mug leh ugu sababeeyey in ay tahay hadhaadhigii shuuciyadda iyo kelitalisnimada, balse hoggaamiyaasha ummaddoodu doorataa aanay isticmaalin, sababtu tahey awood kuma heystaan dadkooda ee iraadada shacabkooda ayey ku hoggaamiyaan.

Gebo-gabadii, sidee habboon ee aynu u sunti karnaa si mufakarnimo leh dabbaal-dega xorriyadeena (18ka May iyo midka 26ka Juun) misna laba majiiratey? Waa su’aal u baahan in si cilmiyeysan looga jawaabo aniga oo u dhaafaya akhristayaasha maqaalkan kooban.

Aan ku soo afmeero tixo ka mid ahaa Gabeygii weynaa ee Kaana sib, kana saar iyo mahadhadii Gabyaa Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AHUN):

Sabyaanta iyo haweenku calankey saadsheenow,

Cidna kaaney na siin eh, Saatir noogu yaboohow,

Seyruuqii Afrikaadoow…….aan siduu yahey eegnee,

Kaana sib kana Saar…………..

 

Qalinkii:              Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

 

Tel: 00 252 (0) 63 413 74 70

 

Email: mustafe72@gmail.com    

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.