“Somaliland Gudaheeda Ayaan Midaysnayn..” Xasan Sheekh

0

Muqdisho(Sayruuq)- Madaxweynaha xukumadda Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kula hadlayay xidhitaanka dhalinyaro Muqdisho shir lagu sheegay aayo ka tashiga dhalinta Somalia uga socday ayaa ku dooday inaanay Somaliland gudaheedu midaysnayn, isagoo kala meeqaam dhigay Somalia.

Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in masuuliyaddiisa koowaad tahay midaynta Somalia “Mas’uuliyadda koobaad ee i saaran aniga waa dalka Soomaaliya la yidhaa in uu midoobo hal dowlada yeesho, si kastooy u qadhaadh tahay ayaa waxa dadka isku heynaya waxay aniga ii yihiin waxa an mar kasta muhiimadda siinayo oo aan ka shaqeeynayo”

Xasan Sheekh oo sii hadlaya wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ragaadiyay rabitaan qabiil oo xattaa xilalka iyo shaqooyinka lagu raadinayo hab qabiil balse aan tayada qofka la eegayn, isagoo kala daadsanaanta maamulkiisana kula soo galgashay Somaliland “Midnimada dalka marka la yidhaa waxa laga yaabaa inay dadka ku soo dhacdo midnimada Somaliland iyo dalka intiisa kale, laakiin inta kale dhexdeeda ayaan midaysnayn, Somaliland dhexdeeda ayaan midaysnayn maxaa yeelay cunsurkan qabaliga ah ayaa meel walba yaala, inaan ka soo baxno oon midawno ayaa nalaga rabaa. Wadadaas intaan ka gaadhaynana waa inaan inagoo wada socona gaadhnaa, inagoo 10 wado ku kala socona ma gaadhi karno. Masuuliyadda koowaad ee I saaran aniga waa dalka Somalia midoobo oo mid ahaado oo hal dawlad yeesho,” ayuu yidhi Xasan Sheekh

Hadalka Xasan Sheekh Somaliland ku barbar dhigayo Somalia ayaa imanaya xilli uu isla madasha ka sheegay khilaaf u dhexeeya dhalinyarada Somalia oo dibad joog iyo daljoog isku khilaafsan “ Dhalinyarada waxaan leeyahay khilaafkiina yareeya. Maalmahan waxaa meelahaa laga sheegayay sheekooyin aan qurux badnayn laakiin, waxaan rabaa inaan idiin sheego kuwa gudaha jiraana waxaa wax ku tihiin kuwa dibadda jooga, kuwa dibadda joogaana waxay wax ku yihiin kuwa gudaha jooga, waxbaana isku tihiin oo dhammaan dhalinyaro Soomaaliyeed baad tihiin; reer hebel maaha, koox hebel maaha waxaad tihiin dhalinyaro Soomaaliyeed,” ayuu ku waaniyay dhalinyarad.

Sidoo kale hadalka Xasan Sheekh wuxuu imanayaa iyadoo dhawaan ergayga IGAD u qaabilsan Somalia canaan kulul u jeediyay madaxda Somalia, isagoo farriin uu sheegay in beesha caalamku tidhi gaadhsii ku sheegay in lagu dawakhsan yahay maamulada tiro batay ee Somalia kuwaas oo mid kasta haysato ciidamo iyo hub islamarkaana aanay ka amar qaadanayn xukumadda Xasan Sheekh. Wuxuu caalamku su’aal galiyay sababta Somalia ugu baahan tahay ciidamada shisheeye islamarkaana wadamada Afrikaanka ahi maalin walba ugu dhintaan, haddiiba Somalia haysato hubkii la isku garaacay dagaalkii Gaalkacayo oo ay sheegeen inay ka yaabeen ciidamadii dagaalamayay iyo hubkii ay isku garaacayeen.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.