Somaliland: Eng. Maxamed Xaashi Oo Ka Hadlay Wada Hadallada Turkiga, Dhimista Miisaaniyadda Iyo Kala Mudnaanta 26 June Iyo 18 May

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin Digreetadii uu Madaxweynuhu dhawaan ku soo saaray dhimista Misaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2016, wada hadallada la sheegay in ay Turkiga uga bilowdeen Somaliland iyo Soomaaliya, lacagta laga jaro mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo waraysi gaar ah siiyey wargeyskan Geeska Afrika ayaa sheegay in haddii cid mushahar laga yarayo ay fiican tahay in laga jaro cidda ay wax ka go’ayaan mushaharkooda, sida madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka, wasiirrada iyo meelaha awoodda leh, balse aanay fiicnayn in laga jaro shaqaalaha iyo ciidamada oo marka horeba aan qaadan mushahar buuran. Waxa uu Eng. Maxamed Xaashi sheegay in ay fiican tahay in loo gurmado dadka abaaraha ku dhibaatooday, laakiin haddana ay sida saxda ahi tahay in aanu madaxweynuhu ka tallaabin dastuurka oo aan haba-yaraato ee awood u siinayn in uu shaqaale mushaharkood jaro. Dhinaca kalana waxa uu canaan u soo jeediyey golaha baarlamanka oo uu sheegay in ay xilkooda gabeen, tusaale ahaan markii ay diideen heshiiskii haabmaha ee haddana madaxweynuhu wareejiyey, in dariiqa saxda ahi uu ahaai n ay xil ka xayuubin ku sameeyaan

Eng. Maxamed Xaashi oo arrimahaas oo dhan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Horta Miisaaniyadda Qaranka waa wax la qaybiyey, oo mid walba meel lagu qisaaysay, abaarina wey ina haysaa, marka in abaaraha wax loo gooyo oo dadkii dhibaataysnaa, ee haraadku hayey ama xoolihii ka leedeen, xata markan uu roobkani inoo da’ay, in la caawiyo wey tahay, ta se meesha ku jirtaa waxa weeye marka arimo caynkaas ahi inala soo daristo maaha Madaxweynuhu inuu iska qaato waxaanu Dastuurku siinayn, oo qodobada Madaxweynaha awoodihiisa kuma jirto haddii ay Abaari dhacdo Madaxweynaha ayaa sidaas sameeynaya, Sharciyadeenu wey kala dhin dhiman yihiin, mana buuxiyaan, oo waxay ahayd in ay sharciyadda dhamaysiraan, oo waa arin ay ka seexdeen Barlamaanka iyo Xukuumadduba, in Dastuurka xeer baa qeexaya iyo sidan in laga saaro ayey ahayd, marka intiina may sameeyn, kolkaa waxay ahayd inay Barlamaanka iyo Xukuumaddu isla eegaan maxa ku baxaya iyo maxaynu u jarnaa”.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlaayey Mushaharka Ciidamada, Shaqaalaha, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa yidhi “Shaqaalaha iyo Ciidamadu wax ku filan ma qaatan, kolka la yidhaahdo iyaga waxba laga jaraa iyagana ma caydh baa laga dhigayaa, halka ay u baahan tahay in wax laga jaraa waxay weeye 57 Wasiir iyo meelaha fasahaadku ku jiro, ee Mushaharkan faraha badan ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku kuwan iyo kuwii horeba qaatan in kuwaas wax laga jaro ayey tahay, meelihii qaadi kara in wax laga jaro ayey ahayd, inay is la eegaan oo isla gartaan ayey ahay”

Eng. Maxamed Xaashi oo ka hadlayey diidmadii Baarlamanka ee hehsiiskii haamaha iyo xukuumadda oo aan u joojiin waxa ay ahayd in laga yeelo ayaa intaas ku sii daray, “in Haamihii uu Barlamaanku go’aan ka gaadhay, Xukuumadduna u goosatay si kale, oo tii Barlamaanka laga tagay, oo haddana ilaa maanta Barlamaanku ka aamusan yahay, waxay ahayd inay xilka ka xayuubiyaan Madaxweynaha, wixii ay gooyeen ayey ka tageen, Xukuumaddii iyo labadii Gole waa wax isla liita ALLE ha inoo sahlo”.

Eng: Maxamed Xaashi ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi. “Kolka horeba wada hadalka inaga iyo Somaliya ayaa khalad ah, Somaliya wax aynu kala hadalo oo inaga dhexeeya ma jiraan, weynu ka goosanay, 1960-kii ayeynu dawladnimada helnay inaynu  Qaramada Midoobay ku nidhaahno waxa aanu doonaynaa madax banaanidaydii ayaa ay ahayd, oo annaga ayaa isku darsanay, isku raacnay, ku midoownay, haddana anaga ayaa kala go’nay, waxaana ku kala go’nay wixii nagu dhacay, haddaba qoladeenu wey qariyaan xasuuqii innagu dhacay inay soo bandhigaan oo la soo ururiyo ayey ahayd, oo DNA-dii la qaado oo qof walba ogaado ehelkiisi  halku ku aasan yahay, oo kolka fartaa lagu fiiqi lahaa oo waxa la odhan lahaa sababta aanu u goosanay waa taas,  ta ay ka warwareegayaan Madaxfeenu waa taas, iyaga ayaa xadhiga u jiidaya, Somaliya wax inaga dhexeeya ma jirto, maxaynu Somaliya ka wada hadli, oo waliba wey inagu jees-jeesayaan, weynu kala go’nay weynu la soo noqonay xornimadeenii, halkaas baynu maraynaa”

Eng. Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wadaa waxa uu ka hadlay, guddida ictiraaf raadinta iyo dood la xidhiidhay muhiimadda maalmaha 18 May iyo 26 Juun sida ay u kala mudan tahay, oo maalmo dhoweyd si aad ah dooddeedu u taagnayd, waxa aanu yidhi, “Maalimo dhawayd waxa laga hadlaayey 26 June iyo 18 May, 26-june, waa taariikh aynu leenahay, oo Somaliland u gaar ah oo aynu xoriyadeenii ku qaadanay, ta aynu ku dacwiyeeynaana waa 26 June, 18 May na wixii innaga lumay baynu la soo noqonay, wey mudan yihiin in la wada xuso, laakiin wey kala miisaan culus yihiin, oo 26 June, si caalamiya ayaa la inoo aqoonsaday, oo dawladdo badan baa ina ictiraafay, oo xoriyaddeenii ayeynu Ingiriiska ka qaadanay, laakiin kan baan la shirayaa iyo kan baa la shirayaa oo 17 baan magacaabay oo waxay ka hadlayaan ictiraaf raadis, qaar baan garaynin ictiraaf raadiska, waxani waa sheeko baralayey inay Xukuumaddani inay ka baxdo ayey ahayd, wixiiba iyadaa qaribtee”.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu intaas ku sii daray, “In laga baxo oo albaabkaas wada hadalka la xidho ayey ahayd, oo inaga ayaa Somaliya ka hor qaadanay Xoriyada, Ina Siyaad Barre na waa kii sharciyadii oo dhanba laabay, Doorashadii 1964 kii meel wanaagsan baynu iska taagnay, oo weynu diidnay, midnimada,  Inqilaabkii Xasan Kaydna diidmo xaggaas ah ayaa ay ahayd, waxay ahayd in aynu halkaas ka miisno, oo aynu ka baxno waa la-wada-hadlayaa, kan iyo kan baa loo qayibiyey, waxa ay ku warwareegayaana qoladani maaha wax ina anfaca”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.