SOMALILAND AMA ISAAQLAND

0

Waxan maqlay xan odhanaysa musharax nimada uu ku dhawaaqay Wasiirka Caafimaadka dhinaca xukuumaddda siiba madaxtooyada waa laga biyo diiday oo lagama jeclaysanin. Wax la rumaysan karo maaha laakiin dad iiga xoog ogaalsan ayaa xaqiijinaya oo leh waxa toos loogu sheegay in aanu isa soo sharixin. Ilaahay run kama dhigo eh hadiiba ay run tahay taa macnaheedu waxay boqon kartaa in mar kale hadana aynu riyoonay oo sidii 1960kii aynu Somaliwayne ugu riyoonay ey u beenawday aynu hadana 1991kiina mar kale ku riyoonay GOONI-ISU-TAAGA Somaliland oo ay iyaduna beenoobayso. Taas oo inaga dhigaysa in aynu nahay ummad riyadeeda ku nool oo rumaysta ila ay bishu hortooda imanayso.
Dardaarabkii Madaxwaynihii hore, Dahir Rayaale wuxu ahaa DAD IYO DAL MIDAYSAN BAAN KUGU WAREEJINAYAA. Madaxwayne Silanyo hadii uu Somaliland isu dhan ka tago miyaanay u noqon doonin guul aan looga horayn oo tii Rayaale ku faanayayba bikh noqon karin taariikhduna xusi doonin ma isaga ayaaba wax kale oo lagu xasuusan karo oo dhaxalgal ahba ka tegaya. Laakiin marka aynu ognahay inta ku xeeran odayga iyagu dhinaca danta guud iyo midnimada qaran waxba kama eegaan ee waxa kala muhiimsan danaysi yadooda gaarka ah iyo qof jeclaysi goooda iyo qof necbaysi gooda lakiin tani way ka duwan tahay oo waa tii aynu ku kala dooranaynay SOMALILAND IYO ISAAQLAND TA AYNU RUN AHAAN DOONAYNO.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh Dastuurka Somaliland way ku cadahay inu muwaadin kastaa xaq u leeyahay in la doorto waxna doorto waxana u damaanad qaadaya Dastuurka

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.