Somalia:Dagaal Dhanka Saxaafaddaha Ah Oo U Bilawday Al-shabaab iyo Maamulka Muqdish+Magacyo La Is Waydaarsaday

0

Muqdisho(Sayruuq)- Xukumadda Muqdisho, ayaa saxaafadda ku amartay inay Magac cusub ugu yeedho Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira. Magaca cusub oo ah UGUS loona soo gaabiyay Ururka Gumaada Umadda Soomaalida. Somalia ayaa ku doodaysa inay Al-shabaab magacaasi isku bixisay maadaama ay laynayso dadka Soomaalida ah.

 

Taliyaha hay’adda Sirdoonka Somalia, Cabdiraxmaan Muxamed Tuuryare, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in Magacaasi u qalmo Alshabaab “Magaca Al-shabaab waa magac fiican oo  dhalinyaro, mana doonayno in la wasakheeyo ama la xumeeyo, waxaanu doonaynaa in maanta wixii ka dambeeya Saxaafaddu ugu yeedho UGUS oo ah Ururka Gumaada Umadda Soomaaliyeed” ayuu yidhi Mr Tuuryare.

 

Dhanka kale Ururka Al-shabaab ayaa arrintaasi ka jawaabay islamarkaana Saxaafadda u soo jeediyay inay isla Magacan UGUS ugu yeedhaan Xukumadda Somalia iyagoo u soo gaabiyay Ururka Gumeeya Umadda Soomaaliyeed.

 

Ururka Al-shabaab iyo Xukumaddihii Somalia ayaa tan iyo sanadkii 2009 is waydaarsanayay wararka barobagaandada ah, balse hata Saxaafadda Somalia ayaa arrin adag u taala, taasi oo ah inay qaataan Magaca Somalia soo jeedisay ee AL-shabaab loogu yeedhayo islamarkaana Al-shabaab dagaal la gasho Saxaafadda iyo inay diidaan Amarka Somalia oo ka dhursugaan cawaaqibka ka dhasha diidmada.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.