“Somalia Way Ka Baxday Isu-taggii,” Prof. Buubaa

0
“Dr Abiy Waa Nin Garanaya Siyaabaha Cul Culus Ee Somaliland Iyo Itoobiya Iskugu Xidhan Yihiin,” Prof Buuba

“Somalia Way Ka Baxday Isu-taggii,” Prof. Buubaa

Bishii April, 5tii, 1908dii ayuu baarlamaanka Talyaanigu qaanuun soo saaray midaynaya dhulkii uu xukumayay waxaanu ugu magacdhabay “Somalia Italiana”. Sidoo kale dawladda Britishka ayaa iyaduna sanadkii 1888kii maxmiyaddii ay xukumaysay ugu magacdhawday “British Somaliland”.

Qaanuunkii isutagga (Act of Union) ee Somaliland iyo Soomaaliya isku noqdeen “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” wuxuu soo baxay 31kii bishii jeenaweri afti dadwaynana waxa loo qaaday 20kii bishii jeenaweri 1960kii.

Qodobka 1aad ee qaanuunkii isutagga wuxuu dastuur ahaan qeexayaa (constitute under the constitution) inuu isutaggu mideeyay “Jamhuuriyadda Somaliland (Somaliland Republic) iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (Republic of Somalia) , sidaa daraadeedna isku noqdaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (Somali Republic).

Qodobka 4aad, faqraddiisa 2aad way ka marag furaysaa madax-bannaanshaha labada dawladdood ee isutegey, waxaanay si cad u qeexaysaa in isutaggu (Union) ka kooban yahay dawladdaha xorta ah ee Somaliland (26/06/1960) iyo Somalia (01/07/1960) (Independents Governments).

Qodobka 10naad wuxuu qeexayaa in isutaggu (Act of Union) dhaqangalay 01/07/1960, lagana rabo cid walba oo kamid ah isutaggan inay ku dhaqmaan in qaanuunkan yahay waxay ku dhisantahay “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed”.

Haddaba, kol haddii Soomaaliya maanta ka baxday magacii isutagga “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed”, kuna laabatay magacii isutagga hortii la odhan jiray oo ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, qodobadii isutaggu ku dhisnaa way ka baxday.

W/Q Prof Ismaaciil Hurre Buubaa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.