“Somalia Way Isku Dayday In Ay Diiddo Xafiiska Kenya,”

0
Dalal Xiisaynaya Wada Hadalka Somaliland Iyo Somalia

“Somalia Way Isku Dayday In Ay Diiddo Xafiiska Kenya,”
Dawladda Somaliland ayaa ganafka ku dhufatay hadal ka soo baxay Soomaaliya oo ahaa in Soomaaliya u ogolaatay Kenya in ay xafiis ka furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Soomaaliya dagaal ka gashay sidii aanay Kenya xafiis ugu yeelan lahayn Hargeysa.

“Soomaaliya waa u cadaw Somaliland, Xafiiska Kenya ay ka furanayso Somaliland-na aad bay uga cadhootay, marar badana waxay isku dayeen inay hor istaagan, taasina way suurtagali wayday, xiitaa horumar kasta oo Somaliland u soo kordha aad bay uga xumaadan, markaas Soomaaliya qaab ay kula heshiiso ayey garan weyday Kenya, waxayna qiil ka dhigatay Xafiiskan oo aanay shaqo ku lahayn fududayntiisa, Somaliland waddamada iyo cid kasta oo ay la macaamilayso uma sii marto Soomaaliya, wakiilna inagama aha Somaliya, laakiin Maamulka Muqdisho waxay ka xumaadeen xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyo khilaafka soo kala dhex galay Kenya, markaas haddii Maamulka Muqdisho uu garan waayeen qaab ay kula heshiiyaan Kenya, maaha inay Somaliland qiil ka dhigtaan,” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Hadalka wasiir Faratoon ayaa daba socday markii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya warbaahinta Kenya u sheegay in ay iyagu u ogolaadeen Kenya in ay xafiis ka furato Hargeysa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.