Somalia :- Taliyayaashii Ciidamada Qaranka, Booliska Iyo Nabad Sugida Oo Xilalkii Laga Qaadey Iyo Bedelkoodii Oo La Magacaabey .

0

Moqdisho (Sayruuq):- Golaha Wasiirada dalka Somaliya ayaa waxaa ay ansixiyeen in xilalka laga qaado taliyayaasha ciidamada nabadsugida , xooga dalka iyo booliska isla markaana bedelkooda la magacaabo

1.Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ayaa laga qaaday Gen C/Laahi Gaafow Maxamuud waxaana xilkaasi loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horey usoo noqday Taliyaha Nabad Sugida Qaranka.

2.Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Abaanduulaha Ciidanka, waxaana Taliyaha Cusub ee Milatariga loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

3.Taliyihii ciidanka booliiska Gen Maxmed Sheekh Xaamud ayaa isna sidoo kale xilka laga qaaday waxaana xilkan loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.