Somalia: Puntland oo Ciidankii Ugu Badnaa uu Soo Dirtay Degaanka Tukaraq ee Gobolka SOOL + Sawiro

0

Laascaanood(Sayruuq)-Ciidan hubaysan oo ka tirsan kuwa Maamul Gobolleedka Puntland ayaa shalay gelinkii hore la keenay deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ee Somaliland., halkaasi oo doraad ciidamada Qaranka Somaliland ka saareen Maleeshiyaad

kooxda Khaatumo ah Ciidankan oo ay hoggaaminayaan Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Puntland, Muxyadiin Axmed Muuse iyo Cabdi

Yare ayaa saxaafadda u sheegay inay u socdaan sidii Somaliland looga ilaalin lahaa dhulka Puntland, wuxuna Muxyadiin sheegay inay u taagan yihiin la dagalanka Cadowga sida Al-Shabaab iyo cid kasta oo buu yidhi dhulka Maamulka Punland sheeganayo faro-gelisa,

isagoo u jeeda Somaliland.

Ciidankan oo aad u hubaysan ayaa ka mid noqonaya ciidamo horay u gaadhay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool,

waxayna masuuliyiin kale oo Garoowe kula hadlay Saxaafaddu sheegeen inay ka go’an tahay sidii la isaga

dhicin lahaa ciidamada Somaliland haddii ay mar danbe soo aadaan deegaannada Puntland, sida ay sheeganayaan

Tukoraq

ama ku doodayaan.Ciidamo Somaliland ka socda ayaa doraad gaadhay Deegaanka Tukaraq, wallow ay dib ugu soo baxeenmarkii ay ka caydhiyeen Maleeshiyaad kooxda Khaatumo ka tirsan oo la sheegay inay ku baadhan jireen gaadiidka xamuulka iyo kuwo dadka Rakaabka ah qaada ee u kala goosha Sool iyo Garoowe.

Tukoraq4

laa hadda dawladda Somaliland kama hadal ciidamadan ka socda Puntland ee la soo dhoobayo deegaanka

Tukaraq ee gobolka Sool.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.