Somalia Oo Walaac Ka Muujiyay Mashruuc Faafinta Mad-habta Shiicada Ah Oo Somalia Laga Wado

0

Muqdisho(Sayruuq)- Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), ayaa walaac ka muujiyay barnaamij ku saabsan faafinta Madhabta Shiicada ee Diinta Islaamka ku abtirsata oo muqdisho laga wado.

 

Waxa uu sheegay inay soo gaadheen cabashooyin ku aadan arrintan oo sheegaya in Hay’addo iyo Ururo aan dawli ahayn oo huwan shaadh ah inay arrimo gargaar ka shaqaynayaan balse wada faafinta Madhabta Shiicada.

 

“Waxaa jira cabashooyin ka imaanaya shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool, gaar ahaan culumada, abwaannada, aqoon-yahanka iyo dhaqanka, taasoo ah in Muqdisho waxaa ka socda mashruuc dadka madhabta Shiicada lagu barayo, waxaana howshan wada NGO-yo ku gabanaya inay arrimo gar-gaar wadaan, arrintaasna walwal ayay na gelisay,” ayuu yidhi Xasan Muun-gaab.

Mr Muungaab, waxa uu qaybaha bulshada iyo maamulka ku baraarujiyay in arrintaasi laga feejignaado “Hay’adaha amniga gobolka, guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, dhallinyarada iyo haweenka waxaa la farayaa inay ka hor-tagaan arrintan ayna soona qabtaan NGO-gii isagoo faraha kula jira la arko, waayo innagu Xamar ayaa xukunnaa in Shiico dadkeenna la barana ma aqbalayno. waayo waxaan awalba qaati ka taaganayn argagixisada ah, ma ogolaanayno in la keeno Shiico”.

 

Duqa Muqdisho, waxa uu sheegay inay wadaan baadhitaano dheeraad ah oo arrintan ku saabsan marka la gabogabeeyana war bixin rasmi ah laga soo saarayo, waxaanu intaasi raaciyay “NGO-gii lagu helo inuu Shiico Muqdisho ku faafinayo xitaa 1% sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan albaabbada ugu laabanaynaa, dalkana waa laga eryayaa,”

 

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay gabi ahaantood yihiin SUNNI, aysana aqbalayn in bulshadeena la baro Shiico iyo wixii la mid ah. Wuxuuna intaas ku daray in faafinta madhabtan lagu doonayo in colaado hor leh lagaga abuuro Somalia.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.