Somalia Oo La Wareegaysa Basaboor Soomaaliga Lagu Dhufto Visa Somaliland

0
Somalia Oo La Wareegaysa Basaboor Soomaaliga Lagu Dhufto Visa Somaliland

Somalia Oo La Wareegaysa Basaboor Soomaaliga Lagu Dhufto Visa Somaliland Dawladda Soomaaliya ayaa bilowday inay Baasaaboorada Soomaaliga ah kala wareegto dadka Soomaaliya u dhashay ee sita Baasaaboorkaas ee ay ugu tallo dal-ku-galka [VISA] Somaliland ahi.

Tiraba laba ruux oo u dhashay magaalada Muqdisho, ayaa shalay madaarka Muqdisho lagaga qaaday Baasaabooradoodii oo ahaa kuwo Soomaali ah, ka dib markii la arkay dal-ku-galka Somaliland oo ugu yaala, waxaana dadkaas loo sheegay inay waaxda socdaalka ee Soomaaliya ka dalbadaan Baasaabooro cusub. Dadkan oo hore safaro ugu yimid magaalada
caasimadda ah ee ay Hargeysa ayaa waxa dal-ku-gal 30 cisho ah siiyay waaxda socdaalka ee Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar ah in Baasaaboorada Soomaaliga ah ee lagu arko inay dal-ku-galka Somaliland ku taalo lala wareego. Dawladda Somaliland ayaa hore u soo rogtay inaan madaarada Somaliland lagu soo geli Karin Baasaaboor la’aan, waxaanay dadka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ee soo jeeda caasimadda
Somaliland ee Hargeysa ay soo qaataan Baasaabooro Soomaali ah oo lagu siiyo dal-ku-galka Somaliland.

Source: Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.