Somalia Oo Itoobiya Kala Hadashay Heshiiska Berbera

0
“Somaliland Ma Joogto Shirka Biljimka,” Wasiir Cawad

Somalia Oo Itoobiya Kala Hadashay Heshiiska Berbera

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay Isu Tagga Imaaraadka Carabta kala hadal heshiiska dekedda Berbera laakiin, ay si toos ah arrintan ugala hadleen Itoobiya oo dekedda Berbera ku leh 19% saami ah. Waxa kale oo Soomaaliya xaqiijisay in Imaaraadka iyo Somalia fiintu dhexmiranayso oo aanay joogin heer ay wada hadlaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo arrintan BBC-da uga warramay waxa uu sheegay in Jaamacadda Carabtu bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay dib u xaqiijinayso dhawrista midnimada iyo wada jirka Soomaaliya laakiin, ma sheegin wax tallaabo ah oo ay arrintan ka qaadayso Jaamacaddu.

Waxa kale oo la waydiiyay in ay dawladda Imaaraadka kala hadleen arrintan waxaanu sheegay in aanay arrintaas wax wada hadal ah ka yeelan “Wakhtiga oo cidhiidhi ahaa darteed iyo ra’isal wasaaraha oo markii heshiiska la galayay Imaaraadka joogay wax wada hadal ah Imaaraadka arrintan kamaanu yeelan, ninka guddoomiyaha ka ah DP World-na hadal gef ah ayuu kula kacay Somalia qumuc-qumuc kalena way bilaabeen oo ah borobagaando ay baraha bulshada ka bilaabeen,” Sidaas hadalka wasiirka ka mid ahayd waxaanu u muuqday in ay Imaaraadka kala fogaadeen inkasta oo maalmihii la soo dhaafay ay kulmeen madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Imaaraadka ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uu sheegay in ay dawladda Itoobiya kala hadleen sida ay uga soo horjeedaan heshiiska dekedda Berbera, islamarkaana dawladda Itoobiya ku tidhi “Bal waanu eegi doona.” Dawladda Itoobiya ilaa hadda kama faalloon muranka Somalia ka keentay dekedda Berbera oo dadka siyaasadda joqoraafiyadeed faalleeya u arkaan mid muhiimad weyn u leh Itoobiya in ay fursad u hesho deked ay taladeeda wax ku leedahay.

Wasiirka Soomaaliya u hadlay waxa uu ku andacooday in aanay ka soo horjeedin horumarka Berbera laakiin, meel lagaga dhacay wuxuu ugu yeedhay Qarannimada Soomaaliya oo dalal shisheeye iyo kuwo dariska ah faro gelin ku hayaan.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in aanay dawladda Soomaaliya marna soo qaadin dawladdaha Imaaraadka iyo Itoobiya oo ay afka ka dhawrayso iyada oo aan cidda ay ka cabanayso ku xusin cabasho ay gaysay jaamacadda Carabta, islamarkaana aanay madaxdeedu wali bulshada u sheegin dawladdaha xadgudubka sameeyay.

Prof Bursaliid oo arrintan ay BBC-du wax ka waydiisay waxa uu sheegay in ay suuro gal tahay dagaal dhanka sharciga ah oo la isku wajaho iyada oo laga yaabo in dhanka Somaliland iyo Somalia kala yeeshaan xulufo kala taageeraysa kuwaas oo ay ku jiraan kuwa danaynaya in ay la macaamilaan Somaliland.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.